SIR CULUS! CABDIRAXMAAN CIRRO OO KULAN QARSOODIYA LAYEESHAY SAFIIRKA WADANKA ERITERIA U FADHIYA IMAARADKA CARABTA MAXAYSE KAWADA HADLEEN?

Gabiley (GNN)  shabakadda caalamiga ah ee Gabiley.net oo heshay  xogta Kulan qarsoodi ah oo Dhex maray Musharaxa madaxwaye  Xusbiga mucaaridka ah ee Wadani ahna gudoomiyaha baarlamanka mudane ciro iyo safiirka Xukuumadda Eriteia u fadhiya dalka isu taga imaaradka carabta

ilo xogogaala oo  shabakadda caalamiga ah ee Gabiley.net  la xidhiidhay ayaa sheegaya in maalmihii inasoo dhaafay uu Kulan qarsoodiya oo Xogtiisa aad loo ilaaliyay ku dhex maray wadanka Imaaraadka Carabta Safiirka u fadhiya Dalkaas Dawladda Eriteria Amb. Osman Mohamed Omer iyo musharaxa jagada madaxwayne ee Xisbiga Wadani Mudane Abdirahmaan Mohamed Abdilaahi ciro, kulankan oo saacado badan qaatay isla Markaana ay adkayd in la helo xogtiisa dhabta ah ayaa sida ay sheegayaan ilo wareedyo ay shabakadani heshay, ayaa tilmaamaya  waxii uu daaranaa kulankaasi taaso  diiradda lagu saaray Cilaaqaad fiican oo Dhex mara Xisbiga Wadani iyo Xukuumadda Eriteria iyaga oo sida lasheegayo Safiirku u Ballan qaaday in Dawladiisu  Musharaxa Wadani siin doonaan Taageero dhaqaale oo uu ku galo tartanka Doorashada iyagoo taas bedelkeeda kadalbaday  Cilaaqaad fiican oo Dhex mara marka uu talada Dalka ku guulaysto isla Markaana ay iska kaashadaan Arrimaha Geeska Africa  iyo arimo kale oo qaranka somaliland halis ku keeni karta.

Sida ay wararkani sheegayaan waxa xidhiidhkan aad uga shaqeeyay Wasiirkii Hore ee Arrimaha Debeda Somaliya Mudane Ismail Hurre Buubaa oo xidhiidh dhaw isagu la lehaa Dawladda Eriteria haatana ka tirsan saraakiisha ugu saraysa  Xisbiga Wadani.

 

sikastaba ha ahaatee waxa  Lawada ogyahay qaska iyo jahawareerka ay had iyo jeer Xukuumadda kali taliska ah ee Eriteria kawado  Mandaqadda  Geeska Africa waxaanay arrintani dhaawac wayn ku keenaysa  Siyaasadda Xisbiga Wadani iyo hogaankoodaba.

Gabiley.net

Office Gabiley