Somaliland Oo Lagu Casuumay Shirka Maalgashi Ee Turkigu U Qabtay Dawladaha Afrika. +Wasiir Cali Xaamud Oo Si Meeqaam Sare Ah Uga Qaybgalay

Jamhuuriyadda Somaliland ayaa lagu martiqaaday shirka caalamiga ah ee dalka Turkigu u qabtay dawladaha Afrika, kaas oo ka socda Magaalada Istanbul. Shirkan oo lagu soo bandhigaayo maalgashiga waddanka Turkigu ka samaynaayo dalalka Afrika, waxa waddamada Bariga Afrika ee lagu casuumay kamid ah dalalka Somaliland, Jabuuti iyo Kenya.

000044444
Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha iyo Tiklanoojiyada Caalamiga ah ee Somaliland, Cali Xaamuud Jibriil ayaa si meeqaam sare ah uga qaybgalay shirkaas.
Shirkan oo halku dhigiisu yahay (Turkish African Busness Summit) waxa furay Raysal Wasaaraha Dalka Turkiga Binali Yildirim, waxaanu si niyad samaan ah u soo dhaweeyay Madaxda ka socotay waddamada Afrika, isagoo u sharxay qorshaha maalgashi ee dalkiisu ku samayn doono qaarada dihin ee Afrika.

00000006666
Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Somaliland, Cali Xaamud Jibriil ayaa shirka kadib kulan la yeeshay Raysal Wasaaraha Dalka Turkiga Mr. Yildirim, sidoo kale waxa Wasiirka lagu casuumay xarumaha shirkada Isgaadhsiinta ugu weyn dalka Turkiga ee loo yaqaan, Türk Telecom, taas oo danaynaysa inay Data-base u samayso dalka Somaliland.
000044444-1