TACSI,Madaxweynaha Qaranka Somaliland Oo Tacsi U Diray Marxuum Xasan Umal Mire Oo Ku Geeriyooday Magaalada Hargeisa

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, iyo kan shacabka Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariisteeMarxuum Xasan Umal Mireoo ku geeriyooday magaalada Hargeysa Maanta oo ay taariikhdu tahay 05/11/2016.

 

Marxuumku waxa uu door muhiima ku lahaa dhismaha dalka iyo nabad kuwada noolanshaha beelaha Somaliland ku dhaqan oo uu marxuumku ahaa dadkii ka shaqeeyey sidii qarankani u noqon lahaa mid la jaanqaada dunida kana dheeraada wixii waxyeelo u ah shacbiga iyo guud ahaan mandaqada.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.