Ururka DDI Oo Kamid ah Qurba jooga Reer Gabiley Ayaa Xulka Gobolka Gabiley Soo Gaadhsiyay Deeq Lacaged Oo Dhan 1000$ Islamarkasina ay Ku Dhiiri Galinayaan

Gabiley(GNN) Ururka DDI Oo Kamid ah Qurba jooga Reer Gabiley Ayaa Xulka Gobolka Gabiley Soo Gaadhsiyay Deeq Lacaged Oo Dhan $ 1000 Dolarka Maraykanka ah Islamarkaasina Ah Mid Lagu Dhiiri Galinayo Xulka Kala Duwan Ee Gobolka Gabiley Waxayna Deeqdasi Lacageed Usoo Wakiishen Ururka Tusmo Wanaag Oo Ay Yihiin Mataano Oo Iyagu Si Toos ah Ugu Wareejiyay Lacagtaasi Logu Soo Deeqay Xulka Gobolka Gabiley
Waxana Goob Joog Ka Ahaa Wareejinta Deeqdasi Xildhibaan Axmed Cali Maxamed (Sangub)  Xildhibaan Cumar Cali Obsiiye
somtel3
Macalinka Xulka Kubada Cagta Ee Gobolka Gabiley Cabdi Cumar (Awga) Macalinka Xulka Ee Dhinaca Orodka Muumin Daahir Kaahin
Gudomiyaha Ururka Tusmo Wanaag Maxamed Baariid iyo Maamulaha Shirkada Somtel Oo Kamid ah Hogaanka Sarsare Ee Ururka Tusmo Wanaag
Waxana Ugu Horay Waareejinta Deeqdasi Lacageed Ka Hadlay Gudomiyaha Ururka Tusmo Wanaag Maxamed Baaruud waxanu si Hufan Uga Waramay Ujeedada Ay Ururka DDI Ee Qurba Joogta Reer Gabiley Usoo Diren Lacagtani Waxanu sheegay Inay Tahay Mid lagu dhiiri Galinayo Xulka Gobolka Gabiley Oo ay Ugu Talo Galeen Ururka DDI In Ay Ku Dhiiri Galiyaan Xulka Gobolkani Gabiley

somtelsomtel-4

Sidokale Waxa Halkaasi Ka Hadlay Xildhibaan Axmed cali maxamed (Sangub) Iyo Xildhibaan Cumar Cali Obsiiye
Waxayna Ururka DDI Ee Qurba Joogta Reer Gabiley Oo iyagu soo Diray Lacagtani Uga Mahad Celiyeen Sida Wanaagsan Ee Ay U Danaynayaan Inay Dhiiri Galiyaan Xulka Gobolka Gabiley Waxayna Ku Tilmaamen Islamarkaasina ay Qurba Joogta Reer Gabiley Ee Kale Kula Dardaarmen Inay Ku Daydaan Ururka DDI Oo Kamid ah Qurba Joogta Gabiley Ee Iyagu Barbar Taagan Xulka Gobolka Iygoo Xusay Inay Ururkani DDI Ay Noqdeen Ururkii Ugu Horeyay Deeq Lacageed Oo Lagu Dhiiri Galinayo Xulka Gobolka Gabiley Soo Gaadhsiya

som

Sidokale Waxay Amaan Iyo Mahad Calin Usoo Jeediyen Ururka Tusmo Wanaag Oo Iyagu Ah Urur la Mataan ah Ururka DDi Ee Qurba joogta Reer Gabiley Islamarkaasina ah Ururka Losoo Wakiishay Gaadhsinta Deeqdani Lacageed Ee Lagu Dhiiri Galinayo Xulka Gabiley

Waxa Gaba Gabadii Halkaasi Ka Hadlay Islamarkaasina Ka Mahad Celiyay Deeqdasi Macalinka Xulka Kubada Cagta Ee Gobolka Gabiley Cabdi Cumar (Awga) Oo Sheegay Inay Wax Lagu Farxo Ay Tahay Maadaama ayUrurkani DDI Yihiin Urur Isku Xilqaamay Inay Dhiiri Galiyaan Xulka Gobolka Gabiley Waxanu Hoosta Ka Xariiqay Inay Midani Tahay Mid ku Dayasho Mudan

somtel

Waxana Lacagtasi Uu Gudomiyaha Ururka Tusmo Wanaag Maxamed Baaruud Si Toos Ah Ugu Wareejiyay Xildhibaan Axmed cali Maxamed (Xil: Sangub) Isagoo Xildhibaankuna Kusii Wareejiyay Macalinka Xulka Kubada Cagta Ee Gobolka Gabiley Cabdi Cumar (Awga)

Gabiley.net

Office Gabiley