“Waa In Baarlamaanka Yurub Laga Ansixiyo Qaraar Ah In Kiiska Somaliland Loo Gudbiyo Maxkamadda Aduunka…..”Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Yurub

Kulankan oo lagu soo gunaanaday xarunta baarlamaanka Yurub oo uu shirgudoominayay afhayeenka xisbiyada Asal-raaca is badal-doonka ah ee baarlamaanka Yuru xildhibaan Nirj Deva,kana qayb galeen aqoonyahano caan oo qaarkood magacyadoodu kamid yihiin Charless Tannovk iyo James Carver iyo kaaliyihii hore ee xoghayaha guud ee qaramada midoobey oo la yidhaa Sir Desmond  De Silva iyo waliba wasiirka arimaha dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire laguna falanqeeyey qodobada siyaasadeed iyo sharci ee maraga u ah aqoonsiga madaxbanaanida jamhuuriyada Somaliland leedahay.War murtiyeed laga soo saarya kulankaasi iyo nuxurka doodihii madaxda ka qayb gashay ka jeedisay ayaa lagu sheegay inay Somaliland tahay dal buuxiyay shuruudaha wadan leeyahay,isla markaana hirgalisay hanaan dawlad-wadaag ah iyo hab dimuqraadiyad guulaystay ah,balse beesha caalamka ka waayay xaquuqdii uu ku lahaa ee aqoonsi ay ka heshi.

Xildhibaan Nirj Deva oo baarlamaanka yurub looga soo doortay koonfur/bari ee ingiriiska  ayaa si wayn ugu canaantay beesha caalamka sida ay iskaga indho tirayaan xaqiiqada dhabta ah eek a jirta Somaliland oo uu ku tilmaamay dal yar oo dhibaato badan ka dib ku guuleystay inuu dhiso bulsho xor iyo dimuqraadii ah.

“side baynu u xusnaa hal mar qiimaha Somaliland oo ah dal leh xaqiiq shaqaynaysa oo madaxbanaanaa in ka badan 25 sanno ,waa jasiirad xasiloon oo ku dhex taala mid kamida gobolada ugu dhibaatada badan aduunka.hadaba marka uu maalin yimaado dareen ficil lagu sameeyo midowga yurub ma helayaan meel kale aan ahayn Somaliland”ayuu yidhi xildhibaan Nirj.

Waxa kale oo uu xildhibaanku ku baaqay in laga ansixiyo baarlamaanka yurub qaraar ogolaanaya in aqoonsiga Somaliland loo gudbiyo maxkamadda cadaalada caalamka , waxaana uu yidhi

“Waa in ay inaga go’naato in baarlamaanka yurub laga ansixiyo qaraar soo jeedinaya in kiiska Somaliland loo gudbiyo maxkamadda cadalaada caalamka,ma sugi karno inta komishanka yurub talaabo qaadayo,waa in ay noqoto masuuliyadeena in aynu soo afjarno caqabadan xun ee hortaala dal madaxbanaan oo bilaa aqoonsi ah,arrintan waa in la xaliyaa oo loo maraa sharciga ee aan lagu xalin siyaasadd”.

Sidoo kale Sir Desmond De silva QC oo ah nin caan ka ah doodista xaquuqda aadamaha caalamiga a aya aka shegay shirka in shacaba Somaliland dhibbane u yidhiin dambiyo aanay gaysan oo qayb ka ah dhibaatooyinka ka jira somaliya ee isagu jira budhcad-badeedka,xagjirnimada,iyo dambiyada kale ee ay ku kasbatay cuna qabatayno caalami ah. Meeday cadaaladii? Kani waa dal (somaliland) buuxiyey dhamaan shuruudihii dawlad wadaaga.hadii aynu talaabo qaadi wayno iminka waxaynu khatar ugu jirnaa in aynu ku ogalaano dal kale oo afrikaan ah inuu ku siibtay dal kale oo saaqiday ama guuldaraystay”sidaas ayuu yidhi Sir Demond.

Dhinaca kale wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo isna ka warbixin la xidhiidha taariikhda Somaliland iyo sidii lagu aasaasay ka jeediyay shirka  ayaa ugu mahadceliyay xildhibaanada iyo aqoonyahanka reer yurub eek a qayb galay taageerada ay u muujiyeen qadiyada madaxbanaanida Somaliland iyo inay heshoa qoonsi buuxa.

Xildhibaanada ka qayb galey shirka ka qabsoomay xarunta midowga yurub waxay ka kala socdeen xisbiyada asal-raaca isbadal-doonka ah ee wadamada UK,Poland, Germany,gobolada waqooyi ee Belgium(Flander),Denmark,Czech,Holland,Filand,iyo Latvia.