Waftigii Wadahadalada Lagalayey Kooxda Khaatumo Oo Isniinta U Safraya Magaalada Addis Ababa.

Warar  xog ogaal ah ayaa sheegaya  in la filayo in maalinta isniinta ay gudi ka socota Somaliland u safridoonan dalka Itoobiya gaar ahaana magaalada Addis-ababa.

Gudida ayaa la sheegay in ujeedada ay u tagayaan ay tahay sidii ay wada hadal toos ah ula soo furi lahaayeen masuuliyiin ka socota kooxda Khaatuumo oo wada hadal dhawaan u furmay Somaliland loona balansan yahay inuu dib u furmo wada hadalkaasi 17 bishan aynu ku guda jirno.

Waxaana gudidaasi ka mid ah wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi,Wasiirka arrimaha dibada Dr Sacad Cali Shire,Wasiirka caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toosiye,gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo masuuliyiin kale.

Sidoo kalena masuuliyiinta ka socota kooxda Khaatumo ayaa waxa hogaaminaya horjoogaha kooxdaasi Cali Khaliif Galaydh waxaana kamid ah Dr Cali Ciise Cabdi oo isagu wakhti xaadirkan ku sugan dalka Itoobiya.

Gabagabadiina Muhiimadda ugu wayn ee ay waftiga ka socda dawlada somaliland iyo kooxda khaatumo-ba ka wada hadlayaan ayaa ah sidii loo soo afjari lahaa colaada dabada dheeraatay ee ka taagan gobolada bariga somaliland.

 Log1