War-Saxaafadeed:Gudoomiyaha Garabka Toosinta Iyo Cadaalada Xisbiga WADDANI Md,Seed Oo Magacaabay Laba Guddi,

Hargeysa(GNN)-Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga WADDANI Ahna Gudoomiyaha Garabka Toosinta iyo cadaalada Xisbiga WADDANI  Mudane Axmed Mu’min Seed waxa uu maanta magacaabay laba gudi oo uu ku sheegay inay kala yihiin, Guddida Abaabulka iyo wadahadalada ee garabka toosinta Iyo Cadaalada Xisbiga WADDANI kaas oo uu gudoomiye uga dhigay Marwo HInda Jaamac Xirsi, kana kooban yaya lix xubnood oo kale.

Sidoo kale gudoomiye Seed waxa uu magacaabay Madaxa Abaabulka iyo isku dubaridka xaflada Soo dhawaynta garabka toosinta ee uu dhawaan ku tagayo Gobolka Awdal.

C/naasir Cumar Dhaadheere