Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Warsaxaafadeed Beenin Ah Kasoo Saartay Khilaaf La Sheegay Inuu Ka Dhexjiray Masuuliyiinta Wasaradaasi.

Hargeisa(GNN):-Wasaarada arimaha gudaha somaliland ayaa beenisay inuu khilaaf u dhaxeeyo wasiir Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (faratoon) iyo ku xigeenkiisa Amniga Maxamed Muuse Diiriye.

WarsaxaafadeedWarsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arimaha gudaha somaliland oo soo gaadhay Shabakada GNN ayaa lagu sheegay inaanu jirin wax khilaaf ah oo u dhaxeeya labada masuul, waxaanu warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan

Ujeedo: Beenin  War

Adiga  oo ku  hadlaya   afka  Wasaarada Arrimaha  Gudaha  Somaliland  waxaan  war-saxaafadeedkan  kaga  jawaabayaa War  been  abuura  isla  markaana aan  sal iyo  raadtoona  lahayn  Kaasi  oo  laga  qoray   wasaarada arrimaha gudaha

Warkan  been  abuurka   ah  oo  kusoo  baxay  qaar

kamida  wargaysyada iyo  mareegaha  maalintii  shalay  ee  lasoo  dhaafay.

Kaasi oo sheegay  in    Wasiirka Wasaaarada Arrimaha Gudaha  Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Fartoon) iyo Wasiiru  dawlada  Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Aminiga Maxamed Muuse Diiriye  ay  isku  maan dhaafsan yihiin    magacaabista  Gudoomiya  Degmada  Daara Salaam oo  dhawaan  Wasiirku  Magacaabay.

Waxaan  shacbi weynaha  Somaliland  halkan  uga  caydaynayaa  inaan   warkaasi  waxba  kajirin  oo uu  yahay  mid  been buura  sal iyo raad toona  aanu  lahayn.

Sida uu  dhigayo  Xeerka  Gobolada Iyo Degmooyinka  Somaliland  ee Xeer Lr.23/2002 waxa uu  awood  buuxda siinayaa Wasiirka Wasaarada Arrimaha  Guduhu  inuu  magacaabi  karo    xilkana ka  qaadi  karo   dhamaan  Gudoomiyeyaasha Degmooyinka .

Sidaasi  darteed  Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland  24/22/2016  isaga  oo  tix raacaya Qodonka18aad ee xeerka gobolada iyo degmooyinka  iyo qodobadda 110aad iyo 111aad ee Distoorka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. waxa uu  u magacaabay  Gudoomiyaha  cusub ee Degmada  Daarasalaam Inuu Ahaado Cabdikariim Cali Sheekh Maxamed.

Waxaa wax  laga yakh-yakhsoodo ah  in  beryahan  danbe  warbaahintii dalku   noqotay  mid  quud ka  dhigata  xasaradda  abuurka  iyo  qorida dacaayadaha  kutiri-kuteenka ah  ee  makhaayadaha  dadka  milaa camalka  ahi  kaga  yeesheeyaan.

Ugu  danbayntii  waxaan  dhamaanba  wargaysyada iyo dhamaanba mareegaha   halkan  uga soo  jeedinayaa  inay  ka  feejignaadaan  oo iska  hubiyaan   wararka  aan  xaqiiqa  ku  salaysnayn  ee  kutiri-kuteenka ah.

ALLAA MAHAD LEH

Jamal Abdi Muhomed

Spokesman  Somaliland  Ministry Of Interior,