Ugu horeyn agaasimaha guud ee wasaarada Arrimaha Gudaha Amb. Cabdi Fataax Siciid Axmed ayaa ka waramay mashruucan iyo wakhtigii la bilaabay iyo ilaa hada goobaha uu ka socdo waxaana uu yidhi.
“Aniga oo sharaxaad guud ka bixinaya mashruucan Dhalashada iyo dhimashada caruurtu waxa uu bilaabmay 2013kii isagoo wakhtigaasi ku bilaabmay sadex Degmo halka mar dhexe laga dhigay lix degmo Hana laga dhigayo 10 Degmo oo u kala qaybsan 6 degmo oo hore iyo 4 degmo oo cusub degmooyinkaasi oo kala ah Berbara, Hargaysa, Burco, Borama , Laascaanod, Ceerigaabo, Gabiley, Caynaba Oodweyne Iyo Saylac.”
Dhinaca Kale Mr Steven Lauwerier oo ah u qaabilsanaha haayada UNICEf Somaliland iyo Somaliya oo dhankiisa aad ugu farxsanaa kulankan ayaa sheegay in mashruucan uu yahay mid muhiimad u leh Somaliland islmarkaana iyadoo ah qaran aan wali la aqoonsan hada ay ka hir galeen waxyaabaha ay dawladaha caalamka qaarkood aanay qabsan isaga oo aad u bogaadiyey mashruucan oo uu sheegay inaanu somaliya xataa ka hirgalin waxaana uu sheegay in mashruucani uu sii socon doono.
Mashruucan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee ka hirgala guud ahaanba geeska Africa iyadoo ilaa hada shahaadooyinka dhalashada la guddoonsiiyey 1060,000 oo caruura.
Mashruucan oo ah Laba qaybood oo kala ah dhalashada iyo dhimashada caruurta iyo waliba guurka iyo furniinka ayaan ilaa hada aan gaadhin qaybtii labaad iyadoo sida ay madaxdu sheegeen dhawaan la bilaabi doono qaybta labaad.
Kulankan oo u badnaa mid warbixin ah ayaa Wasiirka iyo agaasimaha guud ee wasaarada waxa ku wehelinaayey agaasimaha waaxda dhalashada ee wasaarada Maxamed Jibriil madaxa laanta diwaangalinta maxamed jaamac Colow iyo lataliyaha Wasaarada Arrimaha Gudaha Cabdikariin Cabdi Aadan.
Halka U Qaabilsanaha Somaliland Iyo Somaliya Ee Haayada UNICEF Mr Steven Lauwerier ay wehelinayeen Madaxa Xafiiska Somaliland Aamina Maxamed Iyo Madaxa Mashruuca bixinta Shahaadooyinka dhalashada .
Gabagabadiina Shirkan ayaa ahaa kii koowaad ee madaxda hay’adan ay isku arkaan wasiirka Arrimaha Gudaha Tan iyo Markii Loo Magacaabay xilka wasaarada arimaha gudaha Somaliland.