Xulka Gobolka Awdal Oo Iska Xaadiriyay Finalka Ciyaaraha Gobolada Somaliland, Rajadii Xulka Gobolka Gabiley Oo Uu Awdal Rekoodhayaal Ku Burburiyay Iyo Saaxil Iyo Daad-Madheedh Oo Barri Kala Bixi Doona

Kadib hal maalin oo laga nastay wareegii sideed dhamaadka ciyaaraha gobolada Somaliland waxaa galabta Hargaysa Stadium dib uga bilawday kulanka hore ee afar dhamaadka ciyaaraha gobolada Somailand oo ay iskaga hor yimaadeen xulalka gobolada Awdal iyo Gabiley oo ka mid ahaa afarta xul gobol ee iskugu soo baxay afar dhamaadka ciyaaraha gobolada Somaliland ee 2016.89

hh

Kulankan ayaa ahaa kulan adag oo ay labada kooxood ku bilawday qaab taxadar badan iyada oo ay ka taxadarayeen in ay wax qaladaad ah sameeyaan. Labada xul gobol ee Gabiley iyo Awdal ayaa maanka ku hayay in 90 daqiiqo ay ka xigto in ay u soo baxaan finalka ciyaaraha gobolada Somaliland, sidaa daraadeed waxa uu ahaa kulan aan waxba layskula hadhin.99

DAQIIQADII 21 AAD GOOOOOOOOOL! Xulka gobolka Gabiley ayaa helay goolka furitaanka ee xamaasada ciyaarta sare u qaaday waxaana gool fiican Gabiley u saxiixay Ilkadahable kaas oo si fiican uga faa’iidaystay kubbad uu caawinteeda sameeyay Cabdiriyad waxayna ciyaartu noqotay 1:0 uu xulka Gabiley hogaanka ciyaarta kula wareegay.77

66

88

Goolkan ayaa xulka Awdalku qasbay in ay ciyaarta wax ka badalaan isla marakana ay weeraro ku bilaabaan goolka Gabiley iyada oo daqiiqadii 37 aad uu Muxiyadin Feedho Geele helay fursad aad ufiican kadib markii uu kubbad laaga xorta ah uu ku bartilmaameedsaday goolka Gabiley laakiin darbadiisa ayaa wax yar u martay goolka.
7DAQIIQADII 39 AAD GOOOOOOOOL! Xulka gobolka Awdal ayaa markiisa helay goolka barbaraha waxaana kubbad uu qurux badan uga soo shaqeeyay shabaqa Gabiley ku hubsaday Cabdiraxman Maxamed Cabdiraxman kaas oo goolhaye Nasrudin u diiday in uu sameeyo wax gool badbadin ah, waxayna ciyaartu noqotay babraro 1:1 ah.9

Xulka gobolka Awdal ayaa sameeyay dadaal fiican si ay uga soo kabsadaan goolka looga hormaray taas oo keentay in qaybtii hore ee ciyaartu ay ku dhamaatay barbaro 1:1 ah taas oo ciyaarta ka dhigtay mid aan qaybta hore lagu kala bixin.33

awadgabiley

999

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayaa noqotay mid aad u sag iyada oo xulka Gobolka Awdal uu noqday xulka laga filan karayay goolka labaad halka Gabiley ay qaybtii danbe umuuqatay in ay culays badan dareemaysay isla markaana ay Awdal fursado fiican ku abuuraysay goolka Gabiley.awdal

Xulka Gabiley ayaa bilaabay in ay qorshaha ciyaartooda badlaa isla markaana ay difaacasho iyo weeraro deg deg ah ay ku bilaabaan Awdal basle difaaca Awdal ayaa u muuqday kuwo si adag u ilaalinayay weerarka Gabiley ee uu hogaaminayay Cabdiriyad waxaana sidoo kale qaybtii danbe badal ku soo galay Mukhtar Messi oo dardar fiican soo kordhiyay.aaa3

Wax kasta oo ciyaarta laga sameeyay ayay labada xul gobol awoodi waayeen in ay wax guul ah kala gaadhaan taas oo keentay in si toos ah loo tago rekoodhayaal ama gool ku laag waxayna labada kooxood ku xidhnaayeen min shanta ciyaartoy ee loo soo xulay in ay rekoodhayaasha tuuraan.aa2

NATIIJADA REKOODHAYAASHA:aaa

Xulka gobolka Awdal ayaa iska xaadiriyay finalka ciyaaraha gobolada Somaliland ee 2016 kadib markii ay rekoodhayaal 4:3 ay ay ku garaaceen xulka Gabiley waxaana Gabiley rekoodhayaashii ay tuureen ka qasaariyay Mawlid Xasan Odey iyo Axmed Al-Xareed waxayna sidaa Gabiley ku macasalaamaysay koobka ay radjada wayn ka qabtay iyada oo ciyaartoyda Gobolka Gabiley ay oohinta xejisan waayeen.aa4

Hambalyo Gobolka Awdal oo u soo baxay finalka Ciyaaraha gobolada Somaliland waxayna sugi doonaan kulanka barri ay fooda isku dari doonaan xulalka gobolada Saaxil iyo Daad-Madheedh iyada oo sabtida la ciyaari doono finalka ciyaaraha gobolada Somaliland oo sanadkan xamaasada dheeraad ah yeeshay.aaa4

Waa Mahamoud Batalaale iyo asxaabtiisa Laacib.net oo idin leh isma dhaafno waa inoo barri iyo Hargaysa Stadium iyo kulanka Saaxil iyo Daad-Madheedh iyo xulka Awdal balanta ka samaysan doona,