Akhri:– “Hala Joojiyo Saldhiga Milatari Ee Barbara, Xamar Ayaa Fasax Laga Soo Qaadanayaa Ayaan Maqlayay, Waana Dhaxal Wareejin Qarankan La Dhaxal Wareejinayo” Gudoomiye Xasan Guure Jaamac

Hargeisa(GNN):-Gudoomiyaha madasha toosinta iyo wada tashiga ee Somaliland Mudane Xasan Guure Jaamac oo maanta warbaahinta kula hadlayay gudaha magaalada Hargeysa ayaa xukuumada ugu baaqay joojinta wareejinta saldhiga marsada Barbara oo uu tilmaamay in saldhig milatari la doonayo in laga dhigo

Mujaahid Xasan Guure Jamaac isaga oo arintaasi si cadho leh uga hadlaya waxaa uu yidhi “Saldhigaa waa in la joojiya waa dhaxal wareejin qarankan la dhaxal wareejinaayo, Xamar ayaa laga soo qaadanaya fasaxa marka, fasaxa laga soo qaato, qolo mucaarido Nayroobi kula shirtayna waaba la sheegayaye, sheekooyinka noocaas ah ee dadka shakiga galinaayana hala joojiyo, hadii ay burun bagaado yihiina hala joojiyo, waxaan maqlaayay madaxweynaha oo leh baarlamaanka ayaa loo gudbinayaa, waar kuwan baarlamaanka ee aan iyagu waxba diidin waxaa aan leeyahay waar waxan aad dhaxal wareejinaysaan waa dhaxalkii umadiina, ee ubadkiina weeyaan, inagu aynu u badheedhno, hadii aynu cid wax siineynana ma carab ayaynu wax siin laheyn, maxay inagu biirinayaan hala joojiyo taas”

Exit mobile version