Aqoonyahan Maxamed Cali Bile oo si wayn loogu soo Dhaweeyey Hargeysa Si Rasmiyana U Shaaciyey Xisbiga Uu Ku Biirayo.

Hargeisa(GNN):-Aqoonyahan Maxamed Cali Bile, ayaa si wayn loogu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa maanta ka hor inta aannu si rasmi ah ugu biirin xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE.

Masuuliyiin, aqoonyahan, madaxdhaqameed iyo dadweyne kale oo uu hormood u ahaa Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), ayaa madaarka diyaaradaha ee Hargeysa ku qaabilay aqoonyahan Maxamed Cali Bile oo halkaas ka soo degay maanta, isagoo ka qaybgali doona shirweynaha Garabka Dhallinyarada Heer Qaranka ee xisbiga KULMIYE oo furmi doona berri (18 December 2016).
Aqoonyahan Maxamed Cali Bile oo muddo dheer u shaqaynayey hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ahi, waxa uu sheegay in iminka wixii ka dambeeya uu ka shaqayn doono dalkiisa gudihiisa, isla markaana uu ka mid noqon doono xisbiga KULMIYE oo uu u arkay inuu yahay halka horumar laga gaadhsiin karayo bulshada.

Exit mobile version