Ax-Daawo:– “Hooyo Wax Aanu La Noolahay Ma Jirto , Hooyo Gaajo Wax Nooga Dhimani Ma Jirto” Hooyoyin Ku Nool Magaalada Hargeysa

Duruufo nololeed oo aad u qalafsan ayaa ku gadaaman kumanaan qoys oo degan xaafada Istanbuul.
Xaafadan Isbuul oo dhanka galbeed ka soo xigta buurta Naasa Hablood ee magaalada Hargeysa, ayaa waxaa degann qoysas danyara, oo diif iyo dilaah nololeed qaba.
Qoysaskani intooda badan waxaa ay ka aradan yihiin baahiyaha aasaasiga ah, mana heystaan biyo, masqulo, iskuulo, iyo adeegyada kale ee halbowlaha u ah nolosha dadka, mana jirto cid ka warqabta nolosha qoysaskaasi danyarta ah ee lagaga mashquuley siyaasada.

Ax-“Hooyo Wax Aanu La Noolahay Ma Jirto , Hooyo Gaajo Wax Nooga Dhimani Ma Jirto” Hooyoyin Ku Nool Magaalada Hargeysa”