Daawo:– Sanadihii Hore Oo Dhan Suuqa Qareenimadu Mar Wal Oo Ay Dawladu Xoogeysato Isaguna Waa Uu Sii Xoogeysanayay” Aadan Xaaji Cali

Hargeisa(GNN):-Gudoomiya Maxkamadda sare ee Somalliland mudane Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa sheegay in sharciyada dalku maanta kordheen oo ay meel wanaagsan marayaan.

Aadan Xaaji Cali isaga oo ugu horeyn arrintaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi “Sanadadii hore oo dhan suuqa qareenimadu mar wal oo ay dawladu xoogeysato isaguna waa uu la xoogeysanayaa, baahida in sharci yaqaan loo baahdaana isaguna waa ay la xoogeysaneysaa, waayo markaa aanu sharci jirin qofkii sharci u baahan maayo ee fawdada ayuu dhinac ka galayaa, marka laakiin wax walba sharci lagu xidhayo, qoraal lagu xidhaayo, ganacsigii lagu xidhaayo, caafimaadkii lagu xidhaayo, markaa qofkii sidii dhakhtarka loogu baahnaa oo kale ayuu u baahanayaa, markaa shirkadani anigu waan hanbalyaynayaa meel banaan baanay buuxinayaan”

Halkan Ka Daawo