DAAWO SAWIRADA: Xaflad Si Heer Sare Loo Soo Agaasimay oo Loogu Dabaal Degayo 5 Sanad Guuradi Tvga Qaranka Somaliland ee UK Iyo Mareeye Abdiraxman Maxamed Adan iyo Cabdi Bacow

London (GNN)-Munaasabad arintaasi loogu dabaaldegayo isla markaana lagusoo bandhigayo wax qabadkii iyo horumarkii mudadii shanta sano ahayd ee uu ka howl galayay Europe ayaa lagu qabtay bariga magaalada London
Munaasabadan oo ay kasoo qayb galeen dhamaanba haldoorka somaliland ee ku dhaqan wadankan Ingriiska sida ururada bulshada ee ka jira UK madaxdooda Safaaradda Somaliland ee UK, madaxda axsaabta qaranka oo dhan iyo weliba Abwaano iyo Fanaaniin
Waxaa munaasabadda goobjoog ka ahaa Madaxda TV-ga Gudoomiye Cabdi Bacow iyo Agaasime C/raxmaan Maxamed Aadan Dheri iyo dhamaanba shaqaalaha TV-ga ee ka howlgala yurub
Waxaa abaal-marino ay ku mutaysteen shaqo hufnaan lasiiyey shaqaalihii TV-ga iyo abaal marin yadu maamuus gaar ah ahayd oo madaxda TV-gu gudoonsiiyeen Macalinkii Weynaa Ee Xudaydi
Sidoo kale waxaa abaal marin la gudoonsiiyey madaxda Tv-ga waxaana abaal marintaasi bixiyey ururka SSUK iyo Anglo Somaliland Resources ASR yagoo shegay kaalinta uu TV-gu ugu jiro jaaliyadda Somaliland guud ahaan, waxa xusid mudan Sh Xasan Macalin oo ka mid ah culimada London uu TV-ga ku maamuusay Kitaabka Quraanka Kariimka ah oo ahayd Abaalmarintii ugu qaalisanayd
dhamaan masuuliyiintii halkaas ka hadashay waxay sheegeen in TV-gu daboolay baahidii ay u qabeen shacabka qurbaha ee somaliland yagoo ka dheegta wararka dalkii hooyo iyo weliba barnaamijyo hufan
Gebogebadii Horumarkan uu ku talaabsaday TV-gu ayaa waxay qayb ka noqonaysaa hindisihii iyo himilooyinkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ku taamayay mudada dheer iyo waxqabadkiisii oo rumoobey

Yasin Farax Jees
SLNTV Europe