DEG DEG Daawo Jamaal Cali Xuseen Oo Cadeeyey In Aunu Ku Biirin Wali Xisbi, deedafeeyeyna Raga Sheegey iney Ku Biireen Wadani.

Jamaal Cali Xuseen Ayaa Barta Facebook uu Ku Leeyahey Kaga Hadley Arintaa Wuxuna u qornaa sidan:

 

Waxaan ku war gelinayaa dhamaan taageerayaasha, bulsho weynta Somaliland in shirkii jaraa’id ee maanta la sameeyey ee la yidhi Garabkii Jamaal Cali Xuseen ayaa meel ku biiray aanu matelaynin maqifkayga, iyo garabka aan hogaaminaayo. Guddiddi aanu u igmanay wadahadaladda in ay kala jabeen; oo ay jiraan masuuliyiin ka mid ah iyo madax kale oo doonay in ay meel ku biiraan runtii may ahayn in saxaafadda ka sheegaan arrin aan laysla ogeyn. Dadku waa kala fikrad, xorna way u yihiin, dadkii aanu soo wada shaqaynayna xaq bay u leeyihiin in ay ku biiraan meesha ay rabaan. Maadaama ay gudiddii wadahadaladu ay kala jabeen, waa inaan anigu go’aan qaataa. Haddaba aniga Jamaal ahaan halka aan u hogaaminaayo taageerayaashayeena waxaan soo sheegi doonaa ayaamahan soo socda inshallah. Laakiin way jiri karaan shakhsiyaad garabkayagii ka mid ah oo sugi kari waayey oo iyagu jeclaystay in ay meel ku biiraan sida dhacday maanta. HADDABA ILAA IMIKA MEEL AANU KU BIIRNAY MA JIRTO GARAB AHAAN. Inshallah waa inoo iyo ayaamaha soo socda.

 

Log1