Doon Dhawaan Dalka Masar Ka Qaaday Tahriibayaal U Badan Dhalinyaro Somali Ah Oo La La’yahay Iyo Tirada Dadka Ay Siday

Waxaana doontan ay siday tahriibayaal tiradooda lagu qiyaasay 327 qof kuwaas oo u badnaa dhalinyaro Somali ah,waxaana doontan ay ka shiraaqatay magaalada Al-iskaandariya maalilinkii salaasada ee todobaadkii ina dhaafay. Magaalada Al-iskandariya ayaa ah sida naloo sheegay goobta ay sida qarsoodiga ah uga shiraaqdaan doomaha qaada dadka tahriibayaasha ah.

Ilaa hadda lama garanayo meel  lagaga waramo iyo cid kasoo warantay toona doontaas ka shiraaqatay dalka Masar isla markaana u jihaysnayd dalka Talyaaniga.

Gabagabadiina dadka tahriibayaasha ah ayaa iyagu hore uga tahriibi jirey dalka Liibiya iyaga oo halkaasi kala kulmi jirey dhibaatooyin iyo tacadiyo badan balse taas badalkeeda waxa ay tahriibayaashu hadda aad uga tahriibaan dalka Masar iyaga oo dadkaasina laga qaado lacago aad u badan.