Faarax Xadhigle oo Golaha Dhexe ee Kulmiye ka mid ah oo Cardiff loogu sameeyey soo dhaweyn aad u weyn –

Caradiff(GNN) Magaalada Cardiff ee caasimada Wales ayaa xub aha Laanta Xisbiga Kulmiye ay si weyn ugu soo dhaweeyeen  Faarax Xadhigle oo ka mid ah Golaha Dhexe ee Kulmiye, oo booqasho ku yimid dalka UK dhawaann. Kulanka lagu soo dhaweeyey Faarax Xadhigle oo iskugu jiray kala warqaadasho iyo dhiirigaloin, iyo sidi xisbiga Kulmiye loo xojin lahaa, ayaa u dhacay qaabkii loogu talo galay.

Laanta Kulmiye ee Cardiff ayaa ka mid ah laamaha UK ugu xoogan Kulmiye, waxaana hadda ka socda dib u abaabul xisbiga Kulmiye oo hore uga helay taageero dhaqaale oo xoogan. Booqashada Faarax Xadhigle oo Golaha Dhexe ee Kulmiye ka mid ah ayaa waxa ay xoojindoontaa taageerayaasha Kulmiye ee UK, isagoo sidoo kalena la filayo in uu magaalooyinka kale ee UK kulano lagu qaabilo.

Halkan hoose ka eeg sawirada kulanka qaar ka mid ah.