Qiimaha Sarifka Lacagaha Qalaad Iyo Ta Shilinka Somaliland Oo Aan Wali Xal-Loohelin Shacabka Oo Ku Jahwareersan.

Hargeisa(GNN):-Qiimaha lacagta Somaliland lagu sarifo ayaa noqday mid is bed bedel badan , iyada oo ay ilaa hadda wasaaradda maaliyadda Somaliland iyo Baanka Dhexe ku guulaysan la’yihiin inay dejiyaan .

Shacabka reer Somaliland iyo Shaqaalaha dawlada ayaa iyaguna ah kuwo si weyn uga cabanaaya lacagtaasi aan meel loogu soo hagaago lahayn , iyada oo ay maciishaduna cirka isku sii shareerayso.

Ilaa hadda ma jirto cid wax ka qabatay iyada oo $1 Dollar maraayo 7500 oo Somaliland Shilling ah, taas oo qofkii qaadan jiray $100 dollar mushahar ahaan aan waxba u jaraynay, gaar ahaana shaqaalaha dawlada iyo ciidamada.

Dawlada ayaa ilaa hadda tahli la inay samayso qorshe cad oo ay ku xakamaynayso sarifkaasi lacagta ee kor usii kacaaya , iyada oo wax qabadkeedu uu noqday hanjebaad ay u dirto sarifleyaasha Hargeysa oo iyagu ah kuwa bedelay Baanka dhexe.

Xukumada ayaa waqtiyadii lasoo dhaafay suuqyada kusii daysay lacago Somaliland SHiling ah ,taas oo ah siday dadka dhaqaalaha wax ka yaqaanaa sheegayaan ta keentay inay meesha ka baxdo isle’ekaanshihii lacagta Dollar ka iyo Somaliland Shilling ka .

Bulshada reer Somaliland ee danyarta ah ayaa ah kuwa iyagu dhibta ugu badan ku qaba lacagtaasi Somaliland ee marba isbedelku ku imanaayo, iyaga oo aan ilaa hadda hayn dawlad adag oo meel kaga xidha dhibkaasi.