Taariikhda Madaxweyne Siilaanyo Oo Boog Madow Ay Ku Noqonayso, Labada Wasiir ee Kasoo Kala Jeeda Darifyada Somalilad Ee Uu Ugu Sadqeeyey Sifoda Qabyaaladeed Wiilka uu Adeerka U yahay.

Hargeisa(GNN):-Inkasta Oo Qaranka Somaliland Yahay Mid Dhidibada Loogu Taagay heshiis Loo Simanyahay Shacabka Iyo Bulshada Ku Wada Nool Min Bari Ilaa galbeed oo aaney jirin sadbursiimo ama sabaale cid gaara lagu kabaa, ayaaney sidoo kale jirin heshiisna lagu galay inaaney jirin beel ama reer gaara oo ku takrifala awoodaha qaranka isagoo uga faaiideysanaya Xilka Qaran ee Uu bulshada u Hayo,

 

Arimaha Ugubka Ku ahaa Iskushaandheynta Caawa madaxweyne Siilaanyo sameeyey Ayaa Ahayd Kadib Markii Laba Wasiir Oo kasoo kala jeeda Gobolada Awdal Iyo Sool Uu u Sadqeeyey Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, Taas oo sida laga wada warqabay labada masuul ee kasoo kala jeeda darafyada somaliland khilaafaad dhinaca shaqada ahi ka dhexeeyey wiilkan adeegsanaya awoodaha adeerkii ee maxamuud xaashi cabdi,
img_f65488-9a4174-2dfeed-ead285-e80066-663e38Fajaca iyo Amakaaga Arrintani keenay ayaa noqon doonta Mid boog Madow Ku Noqota Siyaasadii iyo Hogaankii dheeraa iyo hayaankii uu madaxweyne Siilaanyo usoo galay Inuu maruun Shacabkiisa Hogaan u Noqdo Si Sharaf Iyo Sumacadi Ku Jirtana uga dhaadhaaco kursiga, Balse taasi ma noqon mid uu kala mid noqodo Madaxwyneyaal  hore Xukunka Dalka  Usoo Qabtay,Waxaanay u muuqataa in ka midho dhalinta himilooyinkaasi ay ka awood badatay qabiilka iyo qof jeclaysiga caadiga ka noqoday qasriga madaxtooyada somaliland.

Haddaba waxaan Arrintani  Haddii aan talaabo degdega Laga Qaadin Sababi Kartaa in Bulshada gobolada Buuhoodle Sool Iyo Awdal oo hore cabatin xoogani uga jiray ay sii irdhayso shacabka lagula kacay gabood falada aan xadka lahayn ee qaraabo kiilka iyo qabiilka loogu awood sheegtay.

Walow madaxweyne Siilaanyo Uu shacabka labadan gobol Ku Qancinayo Masuuliyiin Ay Isku haybyihiin Oo Ku bedelay labadan masuul haddana, ma noqondoonto mid si dhibyar uga duugoowda baalsha buugaagta taariikhda lagu xardho, waa markii ugu horaysay ee Dalka Somaliland oo 25jirsaday fal noocan oo kale ahi ka dhaco.

 

Sikasataba ha ahaatee Waxaa laga dhursugidoonaa Midho dhalka falalkan ku Cusub Arrimaha Qarnimada iyo waxwada Lahaanshaha Umadeed ee ay Ku takrifaleen Kooxyar oo Isku Beel ahi,

Wasiir baashe Ayaa Ah Muwaadin Dhalasho ahaan kasoo jeeda Gobolada Bariga fog Ee Somaliland,

Waxaana Xilkaqaadistiisu timid Kadib markii uu dhawaaq dheer ku sheegay in qaraabo kiil iyo qabiil ka jiro qaranka, islamarkaana marba madaxweynaha xilka haya shaqsi ay isku reeryihiin awoodihiisii isticmaalayo,Halka Cumar Sheekh Maxamed faarax Oo ahaa Wasiirka laga qaaday xilka ay hore isugu seegeen wasiirka madaxtooyada dhaqaale qayrul sharciya oo uu amar ku siiyey inuu keeno,dhaqaalahaasi oo hore jeebka wasiir maxamuud xaashi ku dhicijiray.

Sikastaba ha ahaatee La Arke waxyaabaha laga dhaxlo ficilada noocan ah oo aan farxadgalineyeyni shacabka iyo bulshada kasoo kala jeeda labadaasi  gobol.

 

W/Q:CALI ISMAIL BOSNIYA.