War Deg Deg Ah Oo Hadda Ka Soo Baxay Madaxtooyada Somaliland Iyo Nuxurka Wareegto

War Deg Deg Ah Oo Hadda Ka Soo Baxay Madaxtooyada Somaliland Iyo Nuxurka Wareegto Hal-Masuul Iyo Magaalada Hargeysa Oo Keliya Ku Socota Oo Uu Madaxweyne Siilaanyo Soo Saaray

Taariikh: – 04/12/2016

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu ka Aqbalay Istiqaaladii uu u soo gudbiyey Guddoomiyihii Gobolka Maroodi-jeex ee xalay la magacaabay, waxaanu madaxweynuhu dib ka soo magacaabi doona masuulkii hanan lahaa xilkaas, sida ugu habboon.

Waxaanu Madaxweynuhu kaga jawaabay Istiqaaladaas sidan:-

Ujeeddo:Aqbalaad Istiqaalad

Ku:Mudane, Axmed Maxamed Caalin (Tiimbaro)

Guddoomiyihii Gobolka Maroodi-jeexHargeysa

Og:Wasiirka Wasaaradda Arrimaha GudahaHargeysa

Mudane,

Aniga oo ka duulaya shaqo ka-tagistaada xilka kor ku xusan ee aad warbaahinta ka sheegtay, waan soo dhaweynayaa, waanan kaa aqbalay iska-casilaaddaada.

Sidaas darteed, waxaan kuu rajaynayaa niyad-sami iyo mustaqbal wacan.

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

Exit mobile version