Xisbiga KULMIYE oo soo Dhaweeyey 15 Xildhibaan ka Tirsan Golayaasha Degmooyinka Boorama iyo Baki

Borama(GNN):-Xisbiga KULMIYE oo soo Dhaweeyey 15 Xildhibaan ka Tirsan Golayaasha Degmooyinka Boorama iyo Baki.
Xisbiga Midnimada iyo Horumarka Somaliland ee KULMIYE, ayaa si ballaadhan u soo dhaweeyey 15 xildhibaan oo ka tirsan Golayaasha degmooyinka Boorama iyo Baki ee Gobolka Awdal, kuwaas oo ka soo baxay ururradii siyaasadda ee hore u hadhay iyo garabkii Jamaal Cali Xuseen ee xisbiga UCID.
Xaflad ballaadhan oo loo sameeyey qaabilaadda xildhibaannadan oo lagu qabtay huteelka RAYS ee magaalada Boorama caawa, waxa ka qaybgalay Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirro iyo masuuliyiin kale oo ka mid ah wefti uu guddoomiyuhu hoggaaminayo oo halkaas ku sugan, Badhasaabka Gobolka Awdal, maayarka degmada Boorama, Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Maxamed Cabdillaahi Obsiiye, xildhibaannada ku soo biiray xisbiga iyo taageerayaal badan oo ka mid ah dadkii soo doortay.

Exit mobile version