Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa ka hadlay warar sheegaya in ay waftigii xisbiga WADDANI ee Kenya dhawaan safarka ku tagey kula kulmeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya madax ka tirsan dawlada faderaalka Somaliya oo uu kamid yahay raysal wasaaraha dawlad Somaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake,taas oo ay baahiyeen dhawaan qaar kamida warbaahinta Somaliya ka hawl gashaa.
“Arrinkaas waxba kama jiraan waa been iyo borobogaando cad,raysal wasaaruhuna in aanu odhan ayaan aaminsanahay in la baadhana weeyaan,ma aamisani in nin murashax madaxwayne u ordayaa uu beenta intaas leeg samaynayo,waftigii xisbiga WADDANI-na waxa uu u tagey Nairobi wax cad ayay ahayd warbaahintana waa lagala socday,kulamada aanu yeelano wax qadiyadda iyo danta Somaliland ku saabsan mooyaane wax kale umaanaan tegin,taas oo ay ka gaabiyeen ciddii shaqadaas lahayd ,cidda ka danbaysana waa cid iska cad oo shaqadeedii garan wayday,waxaanay doonayaan inay sameeyaan wax aan jirin ,waxbana kama jiraan waana been abuur cadd,wax Somaliya ah oo aanu is aragnay ma jirto oo iyagiibaa isku mashquulsan maanu arag run ahaantii”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay Axmed Safiina oo ka tirsan xisbiga WADDANI.