Magacyada Salaadiinta Dhaqanka Somaliland ee Is Horkeenay Labada Musharax Cirro iyo Muj Muuse Biixi

Hargeysa(GNN):-Maalmihii ugu dambeeyey waxa gabi ahaanba kacsanayd Xaraarada Siyaasada Somaliland ka dib markii ay aad u bateen baro bogaandada iyo hadalo xanaf badan leh oo ay hawada isku marinayeen Labada gudoomiye Xisbiga ee Waddani iyo Kulmiye,

Taasi oo ugu dambayn keentey in ay labadoobuda afka isku furtaan isla markaana midba kan kale ku soo faqo boogo siyaasadeed oo mid walba dhinaciisa lagu xanto.

Maalintii shalay ahayd waxa is xil qaamay isla markaana arimahaasi ka damqaday sagaal ka mid ah cuqaasha Waxgaradka,Boqorada iyo Salaadiinta Somaliland kuwaasi oo kulan isku yeedhey Madaxda sadexda Xisbi Qaran,

Kulanka ay la qaateen madaxda asxaabta qaranka Somaliland Waxgaradka Somaliland oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa waxa ay ku dhaliileen Madaxda Labada xisbi ee Waddani iyo Kulmiye Qaladaadkii ka dhacay maalmihii ugu dambeeyey tartanka Siyaasada Somaliland oo ay hormuud u ahaayeen labadoodu.

Waxanay si wada jira ugu baaqeen in meesha laga saaro wixii cunfi iyo kala dil u keeni kara Shacabka haatan midaysan ee Somaliland.

Magacyada Salaadiinta caqli celinta u sameeyey musharaxiinta labada xisbi e xajiinta kala dhex dhigay bulshada Walaalaha ah ee Somaliland ayaa kala ah.

  • 1 Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan

  • 2-Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar

  • 3-Suldaan Cismaan Sh/Ibraahim Magaalo

  • 4-Suldaan Aadan Faarax

  • 5-Suldaan C/raxmaan C/laahi Aw Good

  • 6-Suldaan Maxamuud Xaaji Aadan

  • 7-Suldaan Cali Saleebaan

  • 8-Suldaan Bare Xaaji C/laahi

  • 9-Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur Madow.

Dhamaanba Salaadiinta kala duwan ee Somaliland kulankana xaadirka ka ahaa ayaa labada Gudoomiye xisbi ee Waddani iyo Kulmiye waxa ay ugu baaqeen in ay gabi ahaanba meesha ka saaraan wixii kala fogayna bulshada Walaalaha ah ee Somaliland isla markaana ay si dimuqraadi ah ugu olalaystaan Kursiga ay ku tartamayaan ee Madaxwaynenimo,meesha laga saaro nidaamka qabyaaladaysan ee ay haatan ku socdaan