Daawo Sawirrada:Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo Xarunta Midowga Africa Kulamo Kula Qaatay Masuuliyin Ka Tirsan Dowladaha AFRICA

 

Addis Ababa (GNN)-Wasiirka Arimaha Debeda iyo iskaashiga Caalamiga Ee Jamhuuriyada Somaliland Dr Saad Ali Shire Oo labadii casho Ee ugu dambeeyey hawlo shaqo u joogay xarunta midawga Africa Ee Addis Ababa si uu ula kulmo madaxda shirka midowga Africa ka soo qayb gashay Ee Ku sugan Addis Ababa.
Ayaa Wasiirka Oo ay weheliyaan safiirada Somaliland u jooga Ethiopia Amb Ali Hussien Jirde , Amb Aden Muse Jibril iyo Safiir Ku Xigeenka Mr Ayanle Salad Deria kulamo gooni gooniya la yeeshay madaxdii shirka ka soo qayb gashay, ugu horayn waxay weftiga Somaliland uga warameen madaxdii ay la kulmeen ee dhigood guud ahaan xaalada dhabta ah Ee ka jirta Somaliland sida nabad gelyada , dumqaradiyada, Dooroshooyinka , Abaarta iyo weliba baahiyaha bulsho Ee kale Ee inyana u baahan in wax laga qabto ,

wasiirka iyo weftigiisu waxay kale Oo madaxdii ay la kulmeen ugu baaqeen in la gaadhay xiligii aanay bulshada caalamka iyo ta gobolkuba indhaha ka qarsan Jamhuuriyada Somaliland Lana siiyo aqooni buuxda si ay u daboosho baahiyaheeda iyo kuwa dunida kaleba .

Gesta kale waxay madaxdii lala kulmay si isku mida dhamaantood uga marag kaceen horumarka la taan karo Lana dafiri Karin Ee Somaliland Ku talabsatay muda yar, wax laga daydona ay tahay.

Madaxda la arkay Ayaa Kala ah ,
1-Ku xigenka midowga africa mudane Mwencha,
2-wasiirka Arimaha Debeda Ethiopia Werkeneh Gebeyew,
3- Wasiir ka Arimaha Debeda kenya
Amino Mohamed
4- wasiirka Arimaha Debeda Jabouti, Mohamoud Ali Yusuf,
5- wasirka iskaashiga Arimaha Bulshada South Africa ,
6- Wasiirka farsamada Ethiopia ,
7- safiirka Ethiopia China u jooga Siyum masfin ,
8-Tekeda Almu United nation
9-safiirada Ethiopia u jooga Uk, Beljem, India , Bulgaria
10- Wasiirka Arimaha Debeda Rwanda
Louse MushikwabaAlla mahad leh

Ayanle salad Deria
Safir Ku xigenka
Addis Ababa Ethiopia

 

 

Exit mobile version