DAAWO:Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Iyo Waftigii Uu Hogaaminayey Oo Saaka Dalka Dib Ugu Soo Laabtay + Sawiro

Waxaana waftigan ay ahaayeen wasiiro ka tirsan xukuumadda madaxwayne Siilaanyo isla markaana kala ahaa wasiirka ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibada,wasiir ku xigeenka madaxtooyada,wasiir ku xigeenka caafimaadka iyo waliba wasiirka qorshaynta qaranka oo isagu hogaaminayey waftigan.Waftigan ayaa markii ay saaka kasoo dageen madaarka magaalada Hargeysa waxa uu ujeedada socdaalkii ay ku tageen dalka dibadiisa faahfaahin ka bixiyey wasiirka qorshaynta qaranka Mudane Qabyo-tiro,waxaana uu sheegay in muhiimada ugu wayn ee socdaalkoodu ahayd sidii ay jaaliyadaha Somaliland ee ku dhaqan wadamada ay mareen ugu baraarujin lahaayeen gurmadka iyo taakulaynta walaalahooda abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan deegaanada gobolada bariga Somaliland iyo waliba sidii ay suuq cusub xoolaha somaliland ugu raadin lahaayeen isaga oo sheegay in kulamo ay la qaateen masuuliyiin ka socday dawlada Sucuudiga oo ay kala hadleen xayiraadii ay xoolaha somalida saartay oo ay ku jiraan xoolihii laga dhoofin jirey Somaliland.

Mudane Maxamed Qabyo-tire waxa uu sheegay in jaaliyada wadamadaas ay si wayn uga qayb qaateen jawaab deg deg ahna ay ka bixiyeen hawshii ay u socdeen ee ahayd gurmadka iyo taakulaynta dadka macaluusha ,diifta iyo daranyada dariska la ah ee ay abaartu ka caydhaysay xoolihii ay dhaqan jireen isla markaana ku  nool deegaanada gobolada bariga Somaliland.

Sidoo kalena mudane Maxamed Ibraahin Qabyo Tire waxa uu ka hadlay saldhiga Milateri ee la sheegay in dawlada Imaaraadka carabtu ka dhisanayso magaalada Berbera.

Waftigan uu hogaaminayo wasiirka qorshaynta qaranka Somaliland mudane Maxamed Ibraahin Qabyotire ee saaka dalka dib ugu soo laabtay ayaa waxay socdaalo kala duwan kusoo mareen dalalka Qadar,Imaaraadka Carabta,Baxrayn iyo waliba UK,halkaas oo ay kulamo-na  kula qaateen jaaliyadda reer Somaliland ee wadamadasi ku dhaqan iyo masuuliyiinta hay’addaha samafalka iyo dalalka Imaaraadka carabta iyo Waliba UK.

1

2 3 4 5 6

 

Log1