Dhallinyaro Reer Somaliland Ah Oo Ku Jira Tahriibayaal Ku Geeriyooday Dooni Ku Gadoontay Mediterranean-ka.

Dhallinyaro reer Somaliland ah ayaa ka mid noqotay tahriibayaal ku naf waayay dooni toddobaadkan ku gadoontay biyaha miditerenianka oo ka baxday xeebaha Liibiya.

Doonidan oo laga badbaadiyay dhawr qof oo isugu jiray Itoobiyaan iyo Ereteriyaan ayaa waxay siday dad gaadhaya 180 ruux oo u badnaa dalalka bariga Afrika, waxaanay badankoodu noqdeen kuwo ku naf waayay biyaha, ka dib markii ay doonidii macmaclka ahayd ee ay saarnaayeen qaraqantay.

 

Haddaba, warar soo baxay oo laga helay dalka Liibiya ayaa sheegaya in doonidan ay saarnaayeen dhallinyaro reer Somaliland ah oo ka soo kala jeeday Hargeysa iyo Burco. Dhallinyaradan oo aan weli magacyadooda la xaqiijin ayaa waxa ay ka mid ahayeen dhallinyaro ka hayaantay dalka oo u sii jeeday qaaradda Yurub.

Dadka ka badbaaday doonidan oo kala ah 3 nin iyo haweenay ayaa u muuqday kuwo daalan oo dhibaataysan, waxayna ka sheekeeyeen Saxariirkii ay la soo kulmeen.Waxay tilmaameen inay dooni ka samaysan alwaax oo ay la socdeen in ka badan 180-qof oo ay ka raaceen Xeebaha Libya.

Waxay sheegeen markii ay 5 saacadood Badda ku jireen inuu ciladoobay Matoorkii, isla markaana ay Doonidii bilowday inay quusto.Dadkii la socday Doonida waxay ku wada hoobteen Badda, waxaana ka badbaaday 4 qof oo ay Kooxaha Gurmadka ka soo badbaadiyeen meel 30 nautical miles u jirta Xeebaha Libya.

Sources: GEESKA