Maxkamada Racfaanka Gobolka Hargeysa oo bilawday dhagaysiga Dacwada loo haysto Masuuliyiinta Wargeyska HUBSAD. Muxuu noqon doonaa Go’aanka ka soo bixi doona Maxkamada racfaanku.

Hargeysa (GNN):-Maxkamadda racfaanka Gobolka Hargeysa ayaa Maalintii shalay bilawday dhagaysiga Dacwada Wargeyska Hubsad. Waxana fadhigii lagu dhagaystay dacwadaasi ka soo qayb galay Guddoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA, Maxamud Cabdi Jamac (Xuuto) Guddoomiyaha Xarunta Xuquuqul-insaanka Madaxa bannaan ee S/land Guuleed Cabdi Jaamac, qaar ka mid ah Madaxda Warbaahinta Madaxa bannaan ee Somaliland iyo Saxafiyiin kala duwan. Dacwadan ayaa mar kale dib u bilaabantay ka dib markii Maxkamada Gobolku ay hore uga garnaqday taasi oo waxba ku wayday. Hasa yeeshee, go’aankaasi waxa racfaan ka qaatay Xeer ilaalinta guud ee Qaranka oo dacwada soo oogtay oo go’aankaasi aan ku qancin.
Garsoore Cali Suudi Diiriye oo ah garsooraha gacanta ku haya ka gar-niqista Dacwadan ayaa markii uu fadhigu furmay labada dhinacba su’aalo ka waydiiyey dacwadan, ka dibna ku dhawaaqay inuu dacwadan xukun u diray oo uu ku dhawaaqi doono muddo aanu halkaasi ka sheegin.
Maxkamadda gobolka Hargeysa ayaa Masuuliyiinta Wargeyska Hubsad Guddoomiyaha Wargeyska C/rashiid Nuur Wacays iyo Tifaftiraha guud ee Wargeyska Siciid Khaddar aw Cabdillaahi, wax dambi ah ku wayday dacwadii ay ku soo oogtay Xeer-ilaalinta guud ee Qaranku, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen inay daabaceen warar been abuur ah iyo inay ku shaqaysanayaan Ruqsad Wargeys aanay lahayn. Balse, taasi bedelkeeda, Madaxda Wargeysku waxay Maxkamada horteeda keeneen caddaymo sugan oo ay Maxkamaddu ku qanacday. Sidaa darted-na 12ka bisha November, 2017 waxay Maxkamadu soo saartay go’aanka ah inaanay wax-dambi ah lahayn Masuuliyiinta Hubsad, wargeyskuna uu Dalka ka sharciyeysan yahay.
Shacab-waynaha reer Somaliland, gaar ahaan inta Jecel Xorriyada Hadalka ayaa dhegta u taagaya go’aanka ay soo saarto Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Hargeysa.