Hargeisa(GNN):-Muj. Maxamed Xasan C/laahi Oo Ahaa Halgamayaashii ururkii SNM ismarkaana ah ย Khabiir ku takhakhusay dhinaca militariga ayaa ka hadlay bixinta saldhiga militari ee xukuumada somaliland doonayso inay ka siisoย magaalada xeebeeda Berbera wadanka carbeed ee isu taga emirateka carabta waxaanu Muj. Maxamed Xasan C/laahi sheegay in aanay wax faa,iido ahi ugu jirin Somaliland inay bixiso Saldhig militari waxaana uu sidaa ku sheegay mar uu la hadlayay warbaahinta.
waxaana hadaladiisi ka mid ahaa:
โDagaalkiiย labaadย ee dunida ka dibย waxay dawladaha aduunku u kala jabeen laba qaybood oo kala ahaa hanti wadaag iyo hanti goosi kaas oo wadan kastaa uu raacay dhinaca uu u arkayay in ay maslaxadiisa tahay inaga ka gobol ahaanย xiligaa waxa raacay Maxamed Siyaad Bare oo qaatay dhinaca hanti wadaaga, isaga door bidayay maaliyad,dhica dhismaha ciidanka iyo sidoo kale isagoo ku ilaashanayay kursigiisa,ย balse hadiiba ay timaado isku dhac ka yimaada labadan mabaadi ee ay kala qaateen dawladuhuย wixii khasaare iyo faa,ido ka yimaada waa in wadan kastaa ogaadaa in uu qayb ka yahay wixii khasaare dhacay, tusaaale ahaan waqtigaas wadanka Kuuba waxa uu qaatay mabda,ii hantiwadaag, waxaanay bixisay saldhigii militari ee ugu waynaa oo ay yeeshaan wadanada qaatay mabda,a hanti wadaag,xiligaas kuuba waxa ay lumisay xidhiidhka wadankii ugu waynaa ee ay jaarka ahaayeen oo ahaa dalwaynaha maraykanka.
Muj. Maxamed Xasan C/laahi jidhifย mar uu ka hadlayay dhinaca cadaawada jaarnimo ee ka dhalan karta basekan militariga ee xukuumadu ka siinayso magaalada Berbera Wadankaย isku taga Emiraateka carabta waxaa uu yidhi
โMa laga yaabaa in saldhigaasi ina dhaxalsiiyo inay Somaliland ku Waydo Wadanka aynu Jaarka nahay ee Ethiopia Oo ay ku nool yihiin 100 milyan oo ruux isla markaasna aanay isku fiicnayn wadamada carabta waxay aniga ย ila tahay inay xukuumadu ka fiirsato cawaaqibka ay keeni karto bixinta saldhigaasi waxaana taa ku taageersan ahay aragtidii uu ka qaatayย Muj. Ibraahin Dhagaywayne iyo aragtida ay ka qaaddan doonaan bulshada reer saaxil,โ ayuu yidhi muj jidhif
Isagoo hadalkiisa siiwatana wuxu yidhi โUgu danbayntii waxa aanย xukuumada u soo jeedinayaa in si xeeldheer oo lexejeclo ku jirtoย uga fiirsato cawaaqibka uu Somaliland ku keeni karo saldhigaas militariโ.
Gabogabadiiย waxa uu Muj. Maxamed Xasan C/laahiย uga baryay Umada Reer Somaliland inย Ilaahay abaaraha ka soo jabiyo oo uu barwaqo ugu badalo xaaladan.
Hargeisa Somaliland
Gabiley News Network.