DAAWO Shirkada Dahabshiil Oo Gurmad Laxaad Leh Ka Geysatay Gurmadka Abaaraha Ka Jira Geeska Afrika

Hargeisa(GNN):-Wadamada Geeska afrika waxa ka taagan abaar baahsan oo dad iyo duunyoba saamaysay.

 

Abaartan ayaa u badan wadamada Somalia, Somaliland, Ethiopia iyo meelo ka mid ah dalka keenya

Dadka ay abaartu saamaysay ayaa waxa ay caqabadi ka haysataa sidii sidii loo gaadhsiin lahaa gurmad.

Hadaba Shirkada Xawilaadaha lacagta ee dahabshiil ayaa bixisay dhaqaalihii ugu badnaa ee gargaar lagu gaadhsiinayo dadka ay abaaruhu hayaan.

Sidoo kale shirkadan ayaa waxa ay u fududaysay qurbe jooga ku kala nool duninada dacadaladeeda iyo hay’adaha gargaarka in ay si fudud u gaadhsiiyaan dhaqaalaha ay ugu yaboohayaan dadka ay abaaruhu hayaan.

Guddoomiyaha Dahabshiil Cabdirashiid Maxamed Siciid oo uu waramayay wargeyska Daily Nation ayaa sheegay in ay gurmad laxaad leh ku bixiyeen sidii dadka ay abaaruhu saameeyeen loo gaadhsiin lahaa gargaar degdeg ah.

Sidoo kale waxa uu cabdirashiid xusay in xawilaadaha lacagaha ay u fududeeyeen hay’adaha gargaarka iyo qurbe jooga ku kala filiqsan dunida.

hay’ada Cunada aduunka ee FOA ayaa iyaduna warbixin ay soo saartay ku sheegtay in dadkii ugu tirada badnaa oo ku kala nool wadamada geeska afrika, si gaar ah Kenya, Somalia iyo Ethiopia ay u baahan yihiin cuno iyo biyo.

Wadamada Kenya iyo Ethiopia ayaa u qoondeeyay dadyoowgooda ay abaaruhu saameeyeen sidii ay ugu kharash garayn lahaayeen malaayiin dollar.

 

Exit mobile version