Shirkada Telesom Oo Awood Ciidan U Adeegsatay Xadhiga Dadweyne Tiro Badan Oo Mudaharaad Kagaga Hortagay Taawaro Kale Oo Ay Ka Taagayso Qaar Kamida Xaafadaha Magaalada Hargeisa

Hargeisa(GNN):- Shacabka Ku Dhaqan Caasimada Hargeisa Gaar Ahaa Xaafada Goljano Oo Ka Tirsan Degmada 26ka June Ayaa Mudaharaad Aad U Balaadhan Kala Hortagay Shirkada Telesom Oo Doonaysay Inay Ka Sameysato Taawaro Kale oo ah Kuwa Ay u Isticmaasho isgaadhsiinta,  Bulshada Ku Dhaqan Xaafadan Oo Dareensan Dhibaatada iyo Khatarta Ka Dhalata Taawarada iyo Waxyeelada Ay Soo Gaadhsiiyeen Kuwo hore Oo Ay Ka Dhistay Xaafada bulshadii ka agdhawayd ayaa si badheedh ah uga hor istaagay Dhismaha Taawaradaasi Cusub ee Ay keenayso Xaafada, Waxaana Dadka Degan Xaafada Golano oo isugu Jira Dhalinyar Waayeel iyo Haween Xidheen Wadada Dhexmarta Xaafada Goljano Ee Ay maraan Baabuurta Basaska iyo kuwa Kale ee U kala Goosha Caasimada, Waxaana Dadkaasi Ka gadooday Dhibaatadan Caafimaad Darro Ee Lala Soodoontay Taayiro Ku Gubeen Laamiga Dhexmara Xaafada Taas oo Gabi Ahaanba Istaajisay Isusocodkii gaadiidka iyo Bulshada,

211 hqdefault (6)

Communication Tower
Communication Tower

 

Waxaana Markii Shacabku ka Dhiidhiyeen In La Dul keeno khatartan Caafimaad Darro Oo Xanuun Kala Duwan Ay Ka Qaadeen Ubad Aad u yar-yar, Hooyooyin Uur leh oo Imihii Kasoo Dhaceen iyo odayaal Wayeel Ah oo la jaar ahaan goobaha ay ku taagtay biraha hore ee taawarada,

Waxaa Xaafadaasi Soo Gaadhay Kolayo Ciidan Ah Oo Ay Wataan Hogaanka Sare Ee Shirkada Telesom Kuwaas Oo Awood Ciidan u Adeegsanaya Dhismaha Taawarkan Khatarta Ku Ah Caafimaadkii Bulshada

IMG_932C44-134106-0BA6FC-5B4565-B78EFD-FCB45D

Waxaana Ciidamada Amaanku Si Awood Ciidan Ah u Qab-qabteen Dadweyne Ku Dhow Ilaa Sodon Qof oo isugu Jira Waayel Dhalinyar iyo hooyooyin Kuwaaso oo lagu Shubay Saldhiga Dhexe Magaalada Hargeisa, Waxaa Dadkaasi Waxyar Mooyaane Badankoodu u Hoydeen Saldhiga Dhexe Ee Magaalada Hargeisa oo ilaa wakhti xaadirkan ay ku jiraan kadib markii la qab-qabtay shalay galab.

Intaa Kadib Ciidamada Booliska oo U Xilsaaran Sugida Amniga Ayaa Bakhtiiyey Meelihii Shacabka Xaafadu Ku gubeen Taayirada, Waxaana Ay Baneeyeen Laamiga Dhexmara Xaafadaasi oo Wakhti Ku Siman halsaac Xanibnayd,

Sikastaba ha Ahaateen falalka Noocan Oo kale Ah oo aan ahayn kuwo mar la arag ah islamarkaana kusoo noqnoqda bulshada degan xaafadaha kala duwan ee magaalooyinka dalka oo imika aad moodo inay soo fahmayaan dhibaatada laga dhaxlo ku ag-noolaanshaha Taawarada Isgaadhsiin iyo Khatarta Caafimaad Darro, Arkayna Waxyeelada Kasoo Gaadhay Dadkii ku Agnoolaa,  Ayaa Haddana Marwalba arintaasi aaney noqon mid ka hor-istaagta Danaha ay wadato shirkada telesom iyadoo markasta u adeegsata Awoodo Ciidan iyo Mid Dhaqaale kuna kharash gareysa Dhismaha Taawaradaasi Lacagta Sida Xaaraanta Ah Ay Shacabka uga Shubto,  Halka Bulshaduna Ka Dheefaan Dhibaatooyinkaasi Caafimaad Darro oo aaney jirin cid ka damqata Halistaasi.

 

Lasoco Warbixino Kuu Iftiiminaya Khatarta Taawarada iyo Dhibaatada Caafimaad Darro.