Wafti Dhakhaatiir Ah Oo Ka Socda Dawlada Sucuudiga Oo La Sheegay Inay Kusoo Waajahan Yihiin Dalka Somaliland Iyo Ujeedada ……..

Waxaana waftigan dhakhaatiirta ah sida naloo sheegay marka ay dalka soo gaadhaan ay tagi doonaan magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil iyaga oo so kormeeri doono maxjarada kala duwan ee ku yaala magaalada isla markaana laga dhoofiyo xoolaha,sidoo kalena waxay baadhis ku samayn doonaan xaalada caafimaad ee xoolaha laga dhoofiyo magaalada Berbera loona dhoofiyo dalka Sucuudiga.Gabagabadiina imaanshiyaha waftigan dhakhaatiirta ah ee ka  socda dawlada Sucuudiga ee ay ku imanayaan dalka Somaliland ayaa kusoo beegmaysa kadib markii ay dawlada Sucuudigu dhawaan hakad  galisay dhoofka xoolihii uga imaan jiray dhulalka Somalida taas oo ay ku sababaysa in xoolahaasi laga helay xanuuno kala duwan.Dawlada Somaliland ayaa fariin ay  u dirtay dawlada Sucuudiga ku sheegtay in xoolaha laga dhoofiyo dalka Somaliland aanay qabin habayaraatee wax xanuuno ah,iyaga oo sidoo kalena waftiyo kala duwan oo ka socda dawlada Somaliland ay madaxda dawlada Sucuudiga kala hadleen sidii ay dawlada Sucuudigu xayiraada uga qaadi lahayd xoolaha laga dhoofiyo Somaliland.