Borama:-Ciidamada Booliska Gobolka Awdal Oo Gacanta Ku Dhigey Laba Nin Oo U Dhashay Dalka Yamen Iyo Laba Dumar Ah Oo Gabadh Yar Ka Xaday Magaalada Hargeysa

Ciidamada booliska gobolka Awdal ayaa gacanta ku dhigey afar qof oo gabadh yar oo da’deeda lagu qiyaasay 7 jir ka xaday magaalada Hargeysa isla markaana doonayey in dalka kala baxaan.

Gabadhan yar ayaa la xaday xaafadda Xawaadle ee magaalada Hargeysa iyada oo sida la sheegay gaadhi ay wateen afartan qof ay inanta yar ku riteen isla markaana ay la tageen magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal intaasi ka dibna ay damacsanaayeen in ay dalka kala baxaan gabadhan yar.

Afartan qof oo ay ciidamadu daba gal ku wadeen ilaa maalinkii ay xadeen isla markaana wakhti xaadirkan ay gacanta ku hayaan ayaa naloo sheegay in kala ahaayeen laba nin oo u dhashay dalka Yeman  iyo laba dumar ah oo iyaguna u  dhashay Somaliland,waxaana ay xoguhu intaa ku darayaan in afartan qofba ay hadda ku xidhan yihiin xarunta taliska Booliska ee gobolka Awdal,lana filayo in maalmaha soo socda lasoo hor taago maxkamadd .

Gabagabadiina sannadihii u danbeeyey ayaa waxa guud ahaanba Somaliland kusoo badanayey xadista caruurta yar yar kuwaas oo qaarkoodna la qabtay markii la xaday kadib qaar koodna ilaa hadda la la yahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.

Exit mobile version