Bulshada S/land Ka Yeeli Mayso Faysal Cali Waraabe In Uu Mashquuliyo Maayarada Horomarka Iyo Waxqabadka Muuqda Ku Suntan Ee Dagmooyinka Barbera / Gabiley.Qalinkii : Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle

Dadwaynaha Dagmooyinka Barbara Iyo Gabiley Oo Wacad Ku Maray In Ayna U Dulqaadan Doonin In Eng Faysal Cali Waraabe  Muran Madhalaysa Ku Mashquuliyo Maayarada Horomarka Iyo Waxqabadka Muuqda Ku Suntan Ee Dagmooyinkooda .

Waagii baryaaba waayo lehe Guul darradii Labaad ee Eng Faysal Cali Waraabe kaga Dhacday Tartankii Doorashadii  Madaxwaynaha ee Dalka ka dhacday 26/6/2010  waxay Guuldaradaasi ku keentay Eng Faysal Quus iyo Rajo La”aan isagoo Safka hore ka galay Siyaasiyiinta ku Fashilmay Saaxada Siyaasada ee ku Hungoobay Hamigoodi”i inkasta oo ayna Ceeb ahayn in aad ku Guul daraysato Mar,Laba iyo Sadexba Tartan Doorasho oo aad ka  gashay Sabatoo ah waa Dhacdo  looga soo horeeyay  loogana danbayn doono waxaase hubaala in Fudaydkii lagu Xaman jiray Eng Faysal Cali Waraabe Dibada u soo baxay oo Dhagxumooyin Taariikheed ka raacayaan Saaxada Siyaasada Eng Faysal  kadib markii uu ka waantoobi waayay Khilaaf joogto ah iyo Muran ma dhalaysa oo Sabab u noqonaya in uu Xisbiga Ucid hoy u noqdo iyadoo  XEERKA NIDAAMKA URURADA IYO AXSAABTA SIYAASADU

Xeer Lr 14/2011 si cad u Cadeeyay in aanu Eng Faysal Cali Waraabe Gudoomiye Xisbi iyo Murashax Xisbi midna ahayn Xisbiga Ucid  hadiise aan dul joogsanno Qodobka 12 Aad Faqraiisa 1 Aad iyo 2 Aad ee Xeer Lm 14 /2011 oo si cad u qeexaya in aanu Eng Faysal Cali Waraabe  Gudoomiye Sharciya iyo Murashax Sharciya midna ka ahayn Xisbiga Ucid .

Qodobka 12 Aad Ee Xeer Lr 14/ 2011 Faqradiisa 1 Aad Iyo 2 Aad .

Qodobka 12aad: Mudada xilka Madexweynaha iyo Gudoomiyaha Xisbiga

  1. Qofna jagada madexweynaha ma qaban karo laba jeer wax ka badan.

2.Xisbi qaran jagada gudoomiyaha xisbiga uma sharixi karo xubin laba xildoorasho wax ka badan.

 ghhtt

 Iyadoo Dadwaynaha Gobolada Saaxil iyo Gabiley ay ugu Baaqayaan Eng Faysal Cali Waraabe in uu ka Waantoobo Muranka madhalayska ah ee Eng Faysal Cali Waraabe la soo doontay Maayarada Dagmooyinka Barbara iyo Gabiley iyadoo Dadwaynaha Dagmooyinka Barbara iyo Gabiley Wacad  ku Mareen  in ayna u Dulqaadan doonin in Eng Faysal Muran Madhalaysa ku Mashquuliyo Maayarada ku Suntan Waxqabadka Muuqda ee Horomarka la taaban karo ka sameeyay Masuuliyadii Xildhibaanada Golayaasha Deegaanka ee Gabiley iyo Barbari u igmadeen Maayar C/shakuur iyo Maxamad Amiin .

Mar kale waxay Dadka Arimaha Siyaasada S/land u kuur galaa ku macneeyeen Khilaafyada Eng Faysal Cali Waraabe Sabobta u yahay ee Xisbigii Ucid Karaamada ka qaaday in ay tahay Xaalad ka dhalatay Guul darrooyinii Xidhiidhka ahaa ee Doorashooyinkii Madaxwaynuhu ku keentay Eng Faysal Xaalad Jaho Wareer ah oo Muran iyo isqabqabsi iyo Khilaafyo Ragaadiyaan Xisbigii Ucid  galay Taariikhduna ka marag kacayso in Laba Dacwadoood Maxkamada Sare ka gar naqday Dacwadii Koowaad ee ka dhaxaysay Hogaankii iyo Siyaasiyiintii ugu Miisaanka ugu Cuslaa Xisbiga Ucid uu Hogaaminayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe waxayna Taariikhdu  ka marag kacaysaa in loo Xukumay Eng Faysal Cali Waraabe iyadoo taasina Sabobtay in ay ka Dareeraan Hogaankii iyo Siyaasiyiintii ugu Miisaanka Cuslaa Xisbiga Ucid ee Xilalka ka hayay waxaanay taasi keentay in Xisbigii Ucid noqday mid ay soo Waajahday Taag Darro Xad dhaaf ah oo Dadka Arimaha Siyaasda ka Faalooda ay Saadiliyeen in Xisbiga Ucid ku Guul daraysan doono Doorashada Golaha Deegaanka ee Dalka ka dhacday Dabayaaqadii 2012 balse aan dull joogsano Khilaafyadii Ragaadiyay Xisbiga Ucid ee Eng Faysal Cali Waraabe Sababtiisa lahaa .

1: 26/8/2011 Maxkamada Sare ee Disrooriga ah ayaa gudo gashay Dacwada Xisbiga Ucid iyo labada Garab uu u qaybsamay  Xisbiga Ucid iyadoo ay goob jog  ka ahaayeen dhagaysiga Qareenada u doodaya labada garab iyadoo Gudoomiye Faysal Qareen u ahaa Maxamad Jaamac halka Garabka Gudoomiye C/raxmaan Cirro uu Qareen u ahaa Barkhad Jaamac Aar .

2:11/9/2011 Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Distooriga ah Yuusuf Cismaan Cali ayaa Go”aan ka soo saaray waxaanu Xisbigii Ucid u xukumay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe .

Mar kale waxay Taariikhdu ka marag kacaysaa in Guushii Xisbiga Ucid uu ka gaadhay Doorashadii Golaha Deegaanka ee Dabayaaqadii Sannadkii 2012 Dalka ka dhacday uu Guushii Xisbiga Ucid gaadhay uu Sabab u ahaa Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen soo nooleeyay Rajadii Xisbigii Ucid isagoo Aqoonyahan Jamaal Xisbiga Ucid u huray Cuddud Dhaqaale iyo Siyaasad Firfircoon oo kor u qaaday Rajadii iyo Sumcadii Xisbiga Ucid balse waxaa Hankii iyo Hamigii Hogaamineed ee Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen meesha ka saaray Faysal Cali Waraabe oo ku Wacad furay .

Iyadoo Jahawareerka Siyaasadeed ee soo food saaray Eng Faysal Cali Waraabe  Sabobay in uu Dagaal Qaawan ku qaado Murashaxii Madaxwaynaha Xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo Bud dhig u ahaa Guushii Xisbiga Ucid ka gaadhay Doorashadii Golaha Deegaanka iyadoo Dhanka Eng Faysal Cali Waraabe Midho Dhal ka noqon waayay Waanwaan kasta iyo Dhex Dhexaadin kasta oo Waxgarad is xilqaamay ay ka galeen Aakhirkiina Khilaaf Cakiran uu gaadhay in Maxkamada Sare ee S/land Go”aan ka gaadho Dacwada loo gudbiyay ball aynu dul joogsano Go”aanka Gudoomiye Dr Aadan X Cali ka soo saaray Go”aan  ee Shanta Qodob ka koobnaa .

  1. Maxkamaddu waxaa  go’aamisay in Xisbiga Ucid muddo 60-cisho gudaheed ah oo maanta ka bilaabanta uu ku qabsado shir aan caadi aheyn , isla markaana ergada Shir-weynahan loo raaci doono xeerka xisbiga .
  2. maxkamadu waxaa ay sheegtay in gudida qaban qaabada shirweynahas oo ka koobanan doona 10 qof ay kala qaadan doonaan min shan xubnood labada dhinacba waxaana marjac u noqon doona hogaanka sare ee xisbiga UCID.
  3. Heshiiska ay wada galeen Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseena waxa uu ansax noqonayaa marka la qabto shirwaynaha xisbiga.
  4. Sidoo kale waxaa ay maxkamadu burisay qodobo ka mid ah go,aamadii gudida diiwaan-galinta ururada siyaasigu ka soo saartey khilaafka xisbigan.
  5. Maxkamadu waxay ayiday qodobada 4-aad, 5-aad 6-aad iyo 7-aad ee go’aanka Guddiga diiwaangalinta iyo ururada siyaasada..

 

Ugu Danbayn waxaa hubaala in Go”aankii u danbeeyay ee Gudoomiyaha  Maxkamada Sare Dr Aadan X Cali ka soo saaray  Khilaafkii u dhaxeeyay Eng Faysal iyo Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ay ka koobnaayeen Shanta Qodob ee kor ku xusan iyadoo Gudoomiyaha Maxkamada Sare Qodobka Labaad ee Go”aankiisa  ku cadeeyay in Xisbiga Ucid  Labada Dhinacba soo magacaabaan Gudi min Shan Xubnood ka kooban oo Marjac u noqonayo Hogaanka Xisbiga Ucid balse Eng Faysal Cali Waraabe waxuu ka badheedhay in uu ka wareegaysto Fulinta Go”aankii Maxkamada Sare Ilaa uu ka tanaasulay Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen  Go”aansadayna in uu u digo rogto Xisbiga Kulmiye isagoo ay u Galbiyeen Aqoonyahan Jamaal Siyaasiyiintii ugu Miisaanka ugu Cuslaa waxaase Doqoniimo Labaad u ah Eng Faysal Cali Waraabe in uu isku Markhaati furo Nacasnimadiisa isagoo maanta Dacwad ka dhan ah Siyaasiyiintii uga Tanaasulay ka dib markii ku Wacad furay Axdigii ay wada galeen  isagoo Eng Faysal Caadaystay in uu Abuuro mar kasta Muran Madhalays ah iyo Khilaafyo uga Dan leeyahay in uu kaga Mashquuliyo Gudashada Xillkooda Mayaarada ku Suntan Waxqabadka iyo Horomarka Muuqda ee Dagmooyinka Barbara iyo Gabiley .

 

Qalinkii : Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle