DAAWO Cali Khaliif Oo Shaaciyey Inuu Toddobaadkan Guddi Farsamo U Magacaabayo Wada-hadalkii Uu Kula Jirey Somaliland.

Madaxweynaha maamulka Khaatumo Md. Cali Khaliif Galaydh, ayaa shaaciyey inuu toddobaadkan gudihiisa magacaabi doono guddi farsamo oo saddex xubnood ah, kuwaas oo qayb ka noqon doono sii ambo qaadista wada-hadalladii maamulkiisu kula jirey xukuumadda Somaliland.

Hoggaamiye Cali Khaliif waxa uu sheegay in saddexdaas xubnood ay dhawaan u duuli doonaan magaalada Djibouti, waxana uu intaas ku daray in isaga laftiisu uu dhinaca Djibouti u safri doono, waxana uu yidhi, “wafti Khaatumo ah oo guddi hoosaad farsamo ah oo markii aanu Addis Ababa ku shirnay aanu ku heshiinay baa dhawaan Djibouti tegaya, waftigaas oo saddex ka koobanina ugu dambayn Jimcaha ayey tegi doonaan, aniguna waan ku talo jiraa inaan Djibouti tago.”

Dhinaca kalena waxa uu cabasho weyn ka muujiyey dildillaac ku yimi maamulkiisa, isaga oo shaaca ka qaaday inuu bilaabmay dagaal gudahooda ahi,“Dadka kuwii aanu iskugu dhaweyn ee aanu Khaatumo wada ahayn dano gaar ah baa nasoo kala dhexgalay oo meesha yimi, dagaal gudaheena ah oo raggii ugu mudnaa ka socda baa dhexdeena ka socda” ayuu yidhi Cali Khaliif.

Dhawaan ayaa lagu wadaa inay dib u furmaan wada-hadalladii hore ugu furmay maamulka Khaatumo iyo xukuumadda Somaliland, waxana labada dhinacba si weyn ugu heellan yihiin inay wada-hadalladaasi noqdaan qaar horumar soo kordhiya, isla-markaana isku soo dhaweeya shacabka labada dhinac.

Log11