Daawo-Gudoomiyihii Hore Ee Baanka Dhexe Oo Laba Hadal Oo is Burinaya “Shalay Adeega Zaadku Waa Sharcidarro”,Maanta Adeegani Waa Sharci” Telesom Oo Warkan Malaayiin Dollar Ku Bixisay.

Hargeisa(GNN):- Shirkada Telesom Ayaa Malaayiin Dollar Ku Bixisay In Warbaahinta Laga Baahiyo Wararka iyo Barnaamijyo Lagu Meelmarinayo Sharcina Lagaga Dhigayo Adeega Zaadka Oo Xukuumadu Go’aamadii Ay Soosaartay Qaybweyn Ka ahaa In Sixir Bararka Uu Qayb Weyn Ka Yahay, Waakan Gudoomiyihii Hore Baanka Dhexe Somaliland oo Wakhtigii uu Ahaa Gudoomiyaha Shirkada Telesom Ku Tilmaamay Inay ka Faaiideysatay Sharcidarradii Dalka Wakhtigaa Ka Jirtay Islamarkaana Ay Sameysteen Adeegyo Gaar Oo Bulshada Dhib U Keenaya, Halkan Maanta Gudoomiyihii Hore Oo Shirkada Telesom Dabada Ka riixayso Uu Warbaahinta Ka Sheegay in Adeega Zaadku Aanu Wax Saameyn Ah Ku lahayn Sixir Bararka Dalka, Labada Muuqaal oo Ah Kuwo iska Hor imanaya Ayaan Ahayn Kuwo Caqliga Bulshada Gali Kara, Waxaana Arrimahan Todobaadkii ugu Danbeeyey Si Xoogan ugu hawlanaa Shirkada Telesom oo Dhaqaale U Adeegsanaysa Inay Ku Buriso Digreetadii uu madaxweynuhu Hore uga Soosaaray Adeegan, Halkan Ka Daawo Labadan Muuqaal Oo Aad Kuu Cajab-galinaya.

Gudoomiye Cabdi Dirir Cabdi Ayaa Muuqaalkan Hore Mar uu La Hadlayey Warbaahinta Wakhtigii Uu Xilka Hayey Ku Sheegay in Shirkada Telesom Sharcidarro Ku Kacday.