Baaq ku wajahan Saldhiga Ciidan iyo dareenka Dallada SSE.

Taariikh: 11/02/2017

Tixraac:  SSE/DK 055/11022017

                                               Baaq ku wajahan Saldhiga Ciidan iyo dareenka Dallada SSE.

Dallada SSE oo ay ka bahoobeen ururada Somaliland ee Yurub waxa ay baaqan kooban ku muujinayaan culeyska iyo miisaanka uu leeyahay arrinka Saldhiga Milatari ee Berbera iyo saameynta uu ku yeelan karo mustaqbalka nololeed ee dadka reer Somaliland.

Ugu horreyn waxa aanu baaqan idinkula wadaagaynaa in aan ilaa hadda la haynin xog la xidhiidha heshiiska Saldhiga Milatari ee xukuumadda Somaliland ay danaynayso inay la gasho Dowladda Imaaraadka Carabta. Waxa keliya ee aynu ka warhaynaa waa kulanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu la yeelanayo labada Gole Qaran Maalinta Axada oo uu kala hadlayo arrinka la xidhiidha Saldhiga Milatari iyo. Dallada SSE waxay sidoo kale xog-ogaal u tahay doodaha iyo fikradaha kala duwan ee ka soo yeedhaya Qaybaha Bulshada, Axsaabta Siyaasadda iyo qaar ka mid ah xubnaha Golayaasha Qaranka.In su’aalo iyo aragtiyo la iska weydiiyo arrinka Saldhiga Milatarti ee Berbera waa mid muhimadiisa iyo culeyskiisa leh, maadaama uu saameyn taban iyo mid toganba uu ku yeelan karo mustaqbalka Ummada reer Somaliland.

Dallada SSE waxay haddaba baaqan fariin ugu soo gudbinaysaa dhammaan mas’uuliyiinta labada Gole Qaran ee uu khuseeyo ka haddalka iyo ansixinta heshiiska Saldhigan. Xil iyo waajibaad gaara ayaa idinka saaran arrinkan oo aanu rajaynayno inaad si buuxda noola dareensantihiin culeyska uu leeyahay. Dallad ahaan waxa naga xasuusin ah haddii  Saldhigan ujjeedkiisu uu yahay mid loogu talo galey in laga weeraro waddanka aynu jaarka nahay ee Yemen, waa arrin u baahan in Golayaasheena Qaranku ay aad lafo-guraan cawaaqibka dhow iyo ka fog ee ka dhalan kara. Ma aha cida lala dagaalamayaa Yemen oo keliya ee waa dagaal weyne inagu soojeedin kara waddamo kale oo leh xoog iyo cudud ciidan. Dallada SSE waxay ka digeysaa in si sahlan oo sibiq ah aynu ku galno khilaafaad, goddob aan weligeed hadhin iyo dagaal aynu ognahay khatartiisa. Heshiis kasta oo la galayaa waa inuu yahay mid dantiisa koowaad uu salka ku hayso danaha horumarineed iyo kuwa nololeed ee dadka reer Somaliland. Taas ayaanu kula dardaarmaynaa dhammaan xildhibaanada uu heshiiskani khuseeyo isla markaana aanu xasuusinaynaa in shicibweynaha reer Somaliland ay dhinacooda soo dhowrayaan.

Waxa   kale   oo  naga  xasuuusin  ah   in   haddii  heshiis   la galayo   in uu heshiiskaasi  noqdo   mid  ugu yaraan  somaliland     u  goyn  kara   De Facto State   si   aynu    u  noqono   mid  heshiiskeenu    aynu  inagu  galnay    wixii  dhib  ah  ee  ka  so  noqdana   aynu  ka   doodi  karo  mar  haday  inoo aqoonsadeen    De Facto State.

Haddii ay dhacdo in la qaato khatar (risk) intaa leeg Dallada SSE waxa ka su’aal ah maxaa Somaliland ay ku sabri kartaa oo badiil u ah? Waxa aanu ka hadlaynaa waa in iyada oo aan wax la kala jiidanaynin in si qoto dheer looga baaraan dego faa’iidada iyo khataraha ku geedaaman Saldhig qasdiga weyn ee loo isticmaalayaa uu yahay weerar waddan aynu jaar nahay.

Mas’uuliyiinta heshiiskan ansixintiisa u igman ayaanu ka rajaynaynaa in go’aan qaadashadu ku salaysnaato halka ay ku jiraan danaha iyo masiirka Somaliland. Ilaahay ha idinku sugu halka kheyrka iyo wanaagu ugu jiro Somaliland.

Alle ayaa mahad leh,

Guddiga fulinta ee Dallada SSE

Wixii faahfaahina kala soo xidhiidh:

00 45 25 53 93 15