Deg-Deg-Xukuumada Somaliland Oo Caawa Xabsiga Dhigay Qaar Kamid Masuuliyiinta Telefishanka Star Tv,+ Sababaha Keenay Xadhigooda?

Hargeisa(GNN):-Maamulka Telefishanka Star Oo Kamida Telefishanada Afka-somaliga ee Laga Daawado Daafaha Dunida  Ayaa Saacado Ka Hor Ciidamada Booliska Somaliland Xabsiga U Taxaabeen, Masuuliyiinta La Xidhay Oo ay Kamid Ahaayeen mulkiilaha Telefishanka  Maxamed Koodhaadhi, Agaasimaha Tvga Maxamed Baashe Xaaji Xassan Iyo Laba Wariye Ayaa Ciidamadu ka Qabteen Mid Kamida Wadooyinka Dhexmara Gudaha Caasimada Hargeisa,

Xadhiga Masuuliyiintan Ayaa Imaanaya Kadib markii Ay Caawa Ka Qaybgaleen Xaflad   Lagu Qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeisa Oo Lagaga Soo Horjeeday heshiiska Saldhiga Milateri ee Laga Siinayo Ciidamo Ka Socoda Dawlada Imaaraadka Magaalo Xeebeeda Berbera,

Madasha Xafladan Oo ahayd Mid Kulmisay Qaybaha Kala Duwan ee Bulshada Siyaasiyiinta Madasha Wadatashiga Somaliland, Aqoonyahan, dhalinyar iyo haween ayaa lagu qaadaa dhigay dhibaatada ka dhalan karta Xarun Ciidan Oo Dal Shisheeye Laga Siiyo Gudaha Wadanka,

Sida Uu Noo Xaqiijiyey Goobjooge Ku Sugnaa Xafladan Ayaa Sheegay Inay Dood iyo Aragtiyo Kala Duwan kadib Halkaasi Ay Khudbado Kala Duwan Kasoo Jeediyeen Qaar kamida Siyaasiyiinta Madasha Wada Tashiga, Aqoonyahano Tafaasiil Ka Bixinayey Arimahan iyo Shaqsiyaad uu Kamid Yahay C/kariim Axmed Mooge Oo Hore masuul uga soo noqday Xukuumada,

Hadaba Sida Ay Wararkani Tibaaxeen Madasha Xafladan oo Laga dheehanayey  Boodhadh Waaweyn Oo lagusoo Xardhay Ereyo Lidi Ku Ah Heshiiska Saldhiga Ciidan ee Lala galay Dawalada Imaaraadka Ayaa Isaguna Waxaa Halkaasi Sida ilo Xog-ogaal Ahi noo Sheegeen Khubad Ka Jeediyey  Qoraa Maxamed Baashe Xaaji Xassan oo Hadda Ah Agaasimaha Telefishanka Madaxa Banaan ee Star Tv, Waxaa Kaliya Munaasibadda Xafladan Wax Saxaafada Ka Qaybgalay Sawirqaadayaasha Telefishanka Star oo kaliya,

Taasina Waa ta Sababtay in xabsiga loo taxaabo Masuuliyiintan Telefishanka Star tv,

Waxaana Kadib markii Ciidamada Amaanku kexeeyeen masuuliyiintan  Dib loo siidaayey Mulkiilaha Telefishanka Star Maxamed Koodhaadhi iyo labdii Sawir Qaade, iyadoo Ciidamdu Baabuur gaara Ku Qaateen Agaasimihii Telefishanka Star Qoraa Maxamed Baashe Xaaji Xassan

Wixii Warar Ah ee Kusoo Kordha Warkan kala Soco Shabakada Gabiley.Net (GNN)

Hargeisa Somaliland

Contactgabileynews@gmail.com

Exit mobile version