Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Iyo Wafti uu Hogaaminayo Oo GalabtaSafar Shaqo ugu Baxay Dalka Ethiopia.

Hargeysa (GNN)-Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbal-xaakimka Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa safar ugu baxay dalka Itoobiya galabta.
Weftiga Guddoomiyaha oo ay xubno ka yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Wasiirkii hore ee Warfaafinta xukuumaddii xisbigii UDUB Md. Axmed Xaaji Daahir oo hadda ka tirsan xisbiga KULMIYE, kuwaas oo ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, isla markaana isla galabta gaadhay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.
Guddoomiye Muuse Biixi iyo masuuliyiinta wehelinaysa oo lagu wado inay halkaas kaga biiraan wasiirro kale oo xukuumadda ka tirsan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda

Dr. Sacad Cali Shire oo hadda ku sugan dalka Jabuuti, Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi iyo xubno kale, waxa ujeeddada socdaalkoodu la xidhiidhaa martiqaad rasmi ah oo ay ka heleen dawladda Itoobiya iyo xisbal-xaakimka haya talada dalkaasi.
Safarkan weftiga Somaliland oo qaadan doona muddo ilaa saddex maalmood ah waxa la filayaa inay la kulmaan Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Hailemaraim Desalegn iyo masuuliyiin sarsare oo ka tirsan dawladdiisa iyo xisbigeeda EPRDF oo ay ka wadahadli doonaan arrimo ku saabsan danaha labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya iyo shucuubtooda.
Socdaalkan Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE iyo wasiirro xukuumadda ka tirsani ku tageen dalka Itoobiya, ayaa noqonaya mid sii xoojiga xidhiidhka iskaashiga iyo cilaaqaad ee u dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya.