Ma Jiraa Qodob Distoorka S/land Ah Ama Xeerka Dalka Ah Oo Gudoomiye C/raxmaan Cirro U Cuskaday Difaaca Adeega Zaad Ee Shirkada Tellsom ?

Ma Jiraa Qodob Distoorka S/land Ah Ama Xeerka Dalka Ah Oo Gudoomiye C/raxmaan Cirro U Cuskaday Difaaca Adeega Zaad Ee Shirkada Tellsom ?

Maxaase U Diiday Dood Cillmiyeedkii Golaha Dhalinyarada Heer Qaran Ee Xisbiga Wadani In Ay Doodooda Bud Dhig Uga Dhigaan Qodobada Distoorka Ama Xeerarka Dalka S/land ?

Hadiise Aanu Jirin Qodob Distooriya Ama Xeerarka Dalka Ah Oo Gudoomiye C/raxmaan Cirro Iyo Siyaasiyiinta Xisbigiisu U Cuskadeen Difaaca Adeega Zaad Ee Shirkada Telssom” Maxaa Lagu Tilmaami Karaa Hadalka Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Wadani ? 

  Tan iyo maalintuu soo baxay Go”aankii Golaha Wasiirada iyo Madaxwaynaha S/land ee ku jihaysnaa in la Xakameeyo Qiimo dhaca Shilinka S/land Go”aankaasina uu Xambaaarsanaa Amaro Saamayn ku yeeshay Adeega Zaad ee Shirkada Telssom iyo Adeega E Dahab ee Shirkada Dahabshiil iyadoo Maamulka Shirkada Telssom oo bixiya 95% ka mida Adeega Lacagta Tilifoonada laga Isticmaalo ay sida Fiinta uga Qayliyeen Go”aankii Golaha Wasiirada iyo Madaxwaynaha S/land ka soo saareen waxaanay Maamulka Shirkada Telssom kaga Jawaabeen in ay Abaabulaan oo ay ka Hadliyaan Madaxdhaqmeedka S//land iyo Siyaasiyiinta Xisbiga Mucaaradkee Wadani iyadoo Garabka Dhalinyarada Heer Qaran ee Xisbiga Wadani uu soo Abaabulay Dood Cilmiyeed aan Buddhig looga dhigin Qodobada Distoorka Jamhuuriyada S/land iyo Xeerarka Dalka oo ay kaga hor tagayaan in uu Amarka Xukuumada S/land noqdo mid dhaqan gala  .

unnamed-1

  Iyadoo Muwaadiniinta u ololeeya ku dhaqanka Qodobada Distoorka S/land oo Saldhig u ah dhamaan Xeerarka Dalka ay wax lala Yaabo ku tilmaameen Weedhuhuu Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Wadani C/raxmaan Cirro ku Difaacay isticmaalka Adeega Zaad ee Shirkada Telssom iyagoo Weedhaha Gudoomiye Cirro ku tillmaamay kuwo laga dheehan karo Tudhaal La”aan Nolosha Bulshada Danyarta u badan ee S/land,Aqoon Darro dhinaca Dhaqaalaha ah iyo ku Tumasho Qodobada Distoorka S/land iyo Xeerarka Dalka ah.

  Iyadoo Shirkadaha Waawayn iyo Maalqabeenadu Awooda Dhaameelka ama Laaluushka ku meel mariyaan wax kasta oo ay u arkaan in Faa”iido ama Macaash ugu jiro iyagoo aan ku Dhaqmin una  hogaansamin Qodobada Distoorka Jamhuuriyada S/land oo Saldhig u ah  Sharciga iyo Xeerarka Dalka hadiise Bulshada S/land u iftiimiyo Qodobada Distoorka S/land ah ee sida Cad u Qeexaya in aan lahayn ama Xeerarka Dalka ah oo Fasaxaya Adeega Zaad ee Shirkada Telssom ballse ugu horayn aan Bulshada S/land u iftiimiyo Qodobada Distoorka Jamhuuriyada S/land ee sida cad u Qeexaya Nidaamka Dhaqaale ee Dalka .

Qodobka 11 aad ( Dhaqaalaha ) Faqradiisa Labaad Ee Distoorka Jamhuuriyada S/land.

2: Iyadoo la dhawrayo in aanu habka dhaqaale noqonin mid Horseeda in Barwaaqadu ku koobnaato ama ku ururto Koox ama Dad Tiro yar si aanay u dhalan Dabaqado Dhaqaale oo ka kooban kuwo wax haysta iyo kuwo aan waxba haysan si aanay u balaadhan Farqiga u dhaxeeya Nolosha Reer Magaalka iyo Reer miyiga, waxay Dawlada Jamhuuriyada S/land Xaqiijinaysaa in Adeegyada Bulsho iyo Fursadaha Dhaqaale si Sinaan iyo Cadaalad ah loo qaybiyo.

Qodobka 13 aad Ee Distoorka Jamhuuriyada S/land Baananka .  

1: Dawladu waxay yeelanaysaa Baan Dhexe oo Hogaaminaya Siyaasada iyo Ilaalinta Lacagta Dalka, waxaa kale oo la suurto galinayaa Furitaanka Baanan Ganacsi iyo Horomarineed iyada oo Mudnaanta la siinayo kuwo Gaar_ahaaneed .

   Alif kaa Qaloocdaa Allbaqruu ku dhibaaye waxaa hubaala in Adeega Zaad ee Shirkada Telssom oo Muddo Sagaal Sanno ah ku Shaqaynayay mid Sabab u noqday mid Qas iyo Jahowareer galiyay Suuqyada Ganacsiga iyo Sarifka Lacagta saamayn Balaadhana ku yeeshay Nolosha Danyarta u badan ee S/land waxaana hubaala in Adeega Zaad ee Shirkada Tellsom uu Sababay Qiimo dhaca Shilinka S/land iyo kor kaca Sarifka Doolarka  iyadoo Sannadba Sannadka ka danbeeya Adeega Zaad uu Suuqa Ganacsiga iyo Sarifka Lacagaha galiyay Qas iyo Jahowareer Sababna u noqday Nolol Cidhiidhi ah iyo Sixir Barar .

  Iyadoo Weedhaha Murashaxa Madaxwayne ee Xisbiga Wadani C/raxmaan Cirro uu ku Difaacay Adeega Zaad ee Shirkada Telssom Marag cad looga dhigi karo Siyaasad Xumo iyo Tudhaal La”aan aanu u tudhayn Nolosha Bulshada Danyarta u badan ee S/land iyo ku Tumasho Sharci, Aqoon Darro Cilmiga Dhaqaalaha ah oo ay Wadaagaan Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Wadani C/raxaan Cirro iyo Siyaasiyiinta Xisbigiisu.

Hadiise aan u soo noqdo Dulucda Maqaalkayga iyo Su”aasha ka taagan Maanta ee ah ” Ma Jiraa Qodob Distoorka S/land Ah Ama Xeerarka Dalka Ah oo Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Wadani Cabdi Raxmaan Cirro u Cuskaday Difaaca Adeega Zaad Ee Shirkada Tellsom? Hadii aan mooganahay ma ii Sheegi kartaa Akhriste Qodob Distoorka S/land ama Xeerarka Dalka ah oo Fasaxaya Sharciyada Adeega Zaad ee Shirkada Telssom ? Hadii aanu jirin Qodob Shrciya ama Xeerarka Dalka S/land ah oo fasaxaya Adeega Zaad ee Shirkada Telssom maxaa u suuro galiyay in Sagaal Sanno uu ka shaqeeyo Dalka S/land Sharci La”aan ? Aawayse Kaalintii Hayadihii Dawlada S/land u qaabilsanaa Ilaalinta Sharciga iyo Xeerarka ? Aawayse Kaalintii Muwaadiniinta S/land ee Ilaalinta ku Dhaqanka iyo Xurmaynta Sharciga iyo Xeerarka Dalka S/land ? ballse Dhamaan Jawaabaha Su”aalahan waxaan u dhaafayaa Akhristayaasha Qormada.  

Ugu danbayn waxaan Qormadan ku soo gunaanadayaa waxaa Waajib ku ah Xukuumada S/land in ay ku dhaqanto Ilaaliso Qodobada Distoorka Jamhuuriyada S/land Sharcigana la hor keeno iyo Masuulka ama Muwaadinka Xurmayn waaya Qodobada Distoorka S/land ee Saldhig u ah dhamaan Xeerarka Dalka.

La Soco Qormooyin Kale Oo Xiiso Badan Oo Lagu Lafo Guri Doono Furitaankii Adeega Zaad Ee Shirkada Telssom 

Qalinkii : Subeer Sacad Daahir Falanqeeye Arimaha Siyaasada Iyo Dhaqaalaha S/land 

 

Gabiley.net

 

Gabiley Office