Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex Oo Maanta La Horkeenay Agaasimihii Tvga Star Qoraa Maxamed Baashe X. Xassan,+Qodobadii Lagu Soo Eedeeyey.

Hargeisa(GNN):-Maxkamada Gobolka Maroodijeex Ayaa  Saaka Subaxdii Hore La Horkeenay Qoraa Maxamed Baashe Xaaji Xassan Oo Ah Agaasimaha Telefishanka Somali Star Tv, isla Markaana Ah Qoraa Weyn oo Inta Badan Wax Ka Qora Arimaha Dhaqanka iyo Suugaanta Somaalida,

Haddaba Markii Ay Furantay Horgaynta Dacwadani Loo haystay Qoraa Maxamed Baashe  oo Si Aad Loo adkeeyey Amaanka Maxkmada islamarkaana aan Loo ogolanay inay Ka Qaybgalaan Qaybaha Warbaahintu, Ayaa Ku Bilaabantay Jawi Degan Oo aan wax buuq iyo sawaxan ahi ka dhalan,  Garsooraha La Horgeeyey Dhegaysiga Dacwada Loo haysto Ayaa Ahaa Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Maroodijeex Mudane Axmed Dalmar Halac, Waxaa Halkaasi Qodobada Lagu Eedaynayo Qoraaga Halkaasi ka Akhriyey Sarkaalka Ka Socoday Xafiiska Xeer Ilaalinta Gobolka Maroodijeex.

Qodobada Lagusoo Eedeyey Qoraaga Oo Ahaa Qodob Dhawr ah, ayaa kala ahaa

qodobka 1aad 269- Aflagaado Masuul Dawladeed Xeerka Ciqaabta Guud.

Qodobka 2aad 328 Xeerka Ciqaabta Guud faafin warar Been Abuur Ah

Qodobka 3aad 215– Xeerka Ciqaabta Guud faafinta Warar Qaranka Lidi Ku Ah

Qodobka  4aad 231– Ku Dhiirigalinta Shacabka Falal Qaranka Lidi Ku Ah oo ay Ku Galikaraan Danbi.

Waxaana Markii Uu Dhegaystay Gudoomiyaha Maxkamada Gobolku Mudane Axmed Dalmar Qodobadaasi Lagu Soo eedeyey uu ka Saaray Qodobka 231 oo ah Ku Dhiirigalinta Shacabka Falal Qaranka Lidi Ku Ah oo ay Ku Galikaraan Danbi.

Waxaana Gudoomiyuhu Amray in Si Damaanad Ah lagu Siidayn karo Qoraaga iyadoo ay ka hawlgaleen Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee Solja iyo urur U Dooda Xuquuqda Bulshada rayidka Ah,

Waxaana Dedaal Farabadan oo Ay Sameeyeen Ururadaasi Lagu balansanaa In lasiidaayo galabta Bacda Salaadii Casar Kadib Markii La Keenay Damiin Ka Noqda Masuul Inta Dacwadu Dib u Bilaabmayso,

Nasiib Darrose Dedaalkaasi Waxa Uu Noqday Mid Sidii la Rabay Aan u Shaqayn Iyadoo Xarunta Baadhista Danbiyada Oo Ku Xidhnaa Kadib Markii loo Geeyey Warqadii Damaanada Iyo Tii uu Qoray Gudoomiyaha Maxkamada gobolku ka Diiday in lagu Siidaayo Sida Uu hadda Warbaahinta U Sheegay Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja, Maxamuud Cabdi jaamac Xuuto.

Lasoco Wararka kasoo Kordha Arrintan.

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network.