Real Madrid Oo Santiago Bernabeu Guul Soo Laabasho Ah Ka Gaadhay Napoli, Saddex Xidig Oo Los Blancos Ah Oo Shabaqa Soo Taabtay Iyo Napoli Oo Ay Rajadeedu Ku Xidhan Tahay Kulanka Garoonkeeda.

Real Madrid ayaa guul soo laabasho ah garoonkeeda Santigo Bernabeu kag gaadhay kooxda Napoli oo bilawgii kulankan gool ku hormartay. Karim Benzema, Toni Kroos iyo Carlos Casemiro ayaa Los Blancos ka caawiyay in ay dhinaca kale u dhigto gool uu  Lorenzo Insigne dhaliyay bilawgii ciyaartan.

Real Madrid ayaa guushan ku gaadhay 3:1 waxayna fursad wayn u haysataa in ay  kulanka lugta labaad u soo bixi karto wareega xidig ee sideed dhamadka Champions leaque-ga, balse Napoli ayaa muujisay in kulanka lugta labaad aan la dhayalsan karin isla markaana ay xaalad xun ku abuuri karto kooxda Zidane.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

REAL MADRID(4-4-3): Navas; Carvajal, Varane, Ramos, Marcelo; Modric, Casemiro, Kroos; James, Benzema, Ronaldo.

KAYDKA: Pepe, Nacho, Casilla, Kovacic, Vazquez, Morata, Isco.

NAPOLI(4-3-3): Reina; Hysaj, Albiol, Koulibaly, Ghoulam; Zielinski, Diawara, Hamsik; Callejon, Mertens, Insigne.

KAYDKA:Rafael, Giaccherini, Allan, Jorginho, Maggio, Maksimovic, Milik.

DAQIIQADII 8 AAD GOOOOOOOOOOOL! Napoli ayaa gool kaga hormartay kooxda martida loo ahaa ee Real Madrid waxaana goolkan u saxiixay  Lorenzo Insigne kadib markii qaab qurux badan weerar fiican u soo qaadeen waxaana caawinta goolkan sameeyay Marek Hamšík, waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Napoli hogaanka ciyaarta ku qabtay.

DAQIIQADII 18 AAD GOOOOOOOOOOL! Karim Benzema ayaa kooxdiisa Los Blancos culayska wayn ee saarnaa ka dulqaaday kadib markii uu gool madax ah oo cajiib ah uu ku dhaliyay karoos aad u fiican oo uu Daniel Carvajal soo sameeyay, waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1:1 ah.

Inkasta oo ay Real Madrid si gaabis ah ciyaarta ku bilaabtay ayay horumar fiican garoonka ku dhex saysay waxayna iska lumisay fursado fiican oo ay hogaanka ciyaarta kula wareegi kartay intii aan la gaadhin qaybtii h–e ee kulankan. Napoli ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed fiican balse  dhamaystirkooda ayaa ahaa mid aan fiicnayn. waxaana qaybtii h–e ee kulankan lagu kala nastay barbaro 1:1 ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Real Madrid la soo kala baxday khibradeeda iyo saamaynta ay ku leedahay Champions Leaque-ga waxayna dhibaato wayn ku abuurtay kooxda martida u ahayd ee Napoli oo bilawgii kulankan goolka ku hormartay.

DAQIIQADII 49 AAD GOOOOOOOOOOOL! Real Madrid ayaa markeeda goolka labaad ku hormartay waxaana goolkan Madrid u saxiixay xidiga khadka dhexe ee Toni Kroos kaas oo si fiican u dhamaystiray kubbada uu caaawinteeda lahaa Cristiano Ronaldo kaas oo si qurux badan u soo garaacay difaaca Napoli ee Koulibaly, waxayna ciyaartu noqotay 2:1 ay Los Blancos dhinac kale ugu dhigtay goolkii looga hormaray.

DAQIIQADII 54 AAD GOOOOOOOOOOOOL! Alla muxuu gool ahaa!! Carlos Casemiro ayaa darbo cajiib ah ku dhirbaaxay goolka Napoli isaga oo goolhayaha ree Spain ee Reina u diiday in uu rajeeyo wax gool badbaadin ah wuxuuna ahaa gool Real Madrid ka caawiyay in ay si buuxda natiijada ciyaarta dhinaceeda ugu soo wareejiso, waxayna ciyaartu noqotay 3:1 ay kooxda Zidane hogaanka ugu dheeraysatay.

Napoli ayaa si adag uga shaqaynaysay in ay markeeda ciyaarta dib guu soo laabto laakiin waxay iska lumiyeen fursado fiican balse sidoo kale Real Madrid ayaa heli kartay in ay goolal badan dhashan karto isla markaana ay xaalada ku sii xumayn kartay Napoli ka hor kulanka lugta labaad ee Talyaaniga ka dhigi doonta.

Si kastaba ha ahaatee ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3:1 ay Real Madrid ku gaadhay guul soo laabasho ah balse Napoli aya muujisay in ay awood u yeelan karto in kulanka lugta laabad ay xaalad adag ku abuuri karto Los Blancos. Real Madrid ayaa haysta faa’iido aad u fiican si ay u soo gaadho sideed dhamaadka koobka ay difaacanayso.

Exit mobile version