Shirkada Telesom Oo Wada Qorshayaal Ay Ku Meelmarinaysa Sharciyada Adeega Zaadka, Shaqsiyaad Ay Dabada Ka Riixayso Shacabka Ay Rabto inay ka Dhaadhiciyaan Isticmaalkiisa.

Hargeisa(GNN):- Kadib Markii Dhawaan Uu madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Kasoo Saaray Digreeto lagu meelmarinayo La Dagaalanka Sixir Bararka Ayaa Shirkada Telesom Oo Iyaduna Saameyn Balaadhan Ku lahayd Dhibaatada Sixir bararka Iyo Qiimo dhaca Oo Sharcigani Dhibaato Balaadhan Ku Yeeshay Ayaa Bilowday Qorshayaal Ay Shacabka Ku Meelmarinayso In Adeegani Sii Shaqeeyo, Waxaana Todobaadkii u Danbeeyey Ay Shirkada Telesom Waday Kadib markii Ay Xukuumada isla Qaateen in Loo Diro Khubaro Soo Baadha Wakhtiga ugu Haboon Ee Adeegan  Lagu Salaynayo Xadiga Lacagtii Ay Xukuumadu Soosaartay in Lagu Shubankaro, oo ahaa wixii ka sareeya 100 Dollar, ayaa Talaabadaasi kadib Bilowday Talaabooyin lagu meelmarinayo  Shaqaynta Adeegan Qiimo Dhaca Ku Keenay Shilinka Somaliland,

Waxaana Markii ugu Horaysay Ay Bilowday Shirkada Telesom Inay Adeegsato  Salaadiin  Cuqaal iyo Siyaasiyiin Bulshada inta Magaca leh oo Ay Dhaqaale Farabadan ku Kharashgaraysay Sidii Ay Shacabka ula hadlilahaayeen islamarkaana  uga Soo horjeedsan Lahaayeen Go’aankii iyo Digreetadii uu madaxweynuhu kasoosaaray Dhawaan Sixir bararka iyo Qiimo Dhaca Shilinka Somaliland Ku yimid.

Shirkada Telesom Ayaa labadii Todobaad ee u Danbeeyey ku hawlanayd inay ka Hadashiiso Shaqsiyaad ay lacag Farabadan ku bixinayso, Waxaana Sidoo kale Qaybaha Warbaahinta ee kala Duwan Siidaynta Wararkaasi ku Bixisay Lacago Aad u Farabadan iyadoo Shacabka Uga Dhigaysa in Waxgaradkii iyo Salaadiintii Bulshadu kasoo horjeedaan,

Halka War  (item News) ayey Shirkada telesom Telefishinada Madaxbanaan Ku Siinaysaa inay baahiyaan Qiimaha Lacag Dhan $1000

 

Sida Ay Shabakada Gabiley News Network u Xaqiijiyeen Qaar kamida Hawlwadeenada ka Shaqeeya Shirkada Telesom oo ka Cudur-daartay inaanu Xusno magacyadooda Ayaa Noo Sheegay in Saddexdii Cisho ee ugu Horay Kadib markii Ay Soo baxday Digreetadaasi madaxweynuhu, uu shirkada Telesom Ku yimid Dhaqaale Burburkii ugu Weynaa oo Sababay In Xarumaha Qaarkood kuwa Gobolada iyo Degmooyinka Ay Xidho  Waxaana Xadiga lacagta Shacabku kala Baxeen Lagu Qiyaasay Lacag Gaadhaysa 21.5 milyan oo lacagta Dollarka Ah, Waxaana Masuulkani noo Sheegay In Lacagta badankeeda kadib Markii Ay shirkadu Wayday Lacag Bulshada La Siiyo Ay Diyaarado kagaga Soo Qaaday Wadamada Djabouti iyo Muqdisho Lacago Dollar Ay Oo ugu Talo galeen inay kagaga Abuuraan Ganacsiyo kala Duwan.

Sikastaba ha Ahaateen Ficilada Noocan oo kale Ah ee Ay wado Shirkada Telesom oo ay Doonayso Inay Ku burburiso Go’aankii Dawlada Jamhuuriyada Somaliland, Ayaa ah kuwo ay Danta Shacabka Danyarta iyo Lacagta Qaranka Somaliland Kagaga Horumarinayo  Danta Shaqsiga Ah Ee Shirkada Telesom iyo kooxda Yar ee wadaada Ah ee midowga ku Ah Shirkada.

 

Shacabka Somaliland ganacstada Yar iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada Ayaa Soo Dhaweeyey iyagu Go’aankii madaxweynaha Taas Oo Sababtay in Hoos U Dhacweyni ku yimaado Sarifkii lacagta Dollarka oo Shacabka intii Ku kaydsan Jiray Adeega Zaadkuna Ay kala Wada baxeen.

 

Waxaana Laga Dhursugayaa Bal halka Ay ku Danbeeyaan Go’aamadaasi ay isla qaateen Xukuumada Somaliland iyo Shirkada Telesom Walow Ay Ilaa Hadda Shirkada Telesom talaabooyinkaasi adhaxda Lagaga Jabinayo Qodobadaasi ay Ku Diirsadeen Shacabka Kala Duwan ee Ku Dhaqan Somaliland.

 

Kala Soco Warbixino Diirada lagu Saarayo Dhibaatooyinka Shirkada Telesom Ku hayso Shacabka Somaliland.