Waa Kuma Ra’isal Wasaaraha Cusub Ee Dalka Soomaaliya?

Madaxweynaha Soomaaliya ee shalay la caleemo saaray Maxamed Farmaajo ayaa maanta ku dhawaaqay in Xasan Cali Khayre uu u magacaabay inuu noqdo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.89F9578F-86DC-497E-B477-F1FC1BF5D329_w1023_r1_s

Madaxweyne Farmaajo ayaa ra’iisul wasaaraha cusub ku magacaabay qoraal barta twitter-ka ay ku soo daabacday xarunta madaxtooyada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shir jaraaid oo maanta ku qabtay Muqdisho ku sheegay in Xasan Cali Kheyre uu yahay shaqsi uu la shaqeyn karo, sidaasna uu ku xushay.

Xasan Cali Khayre, waa nin dhallinyaro ah wuxuuna haystaa dhalashada dalka Norway.

Haddaba waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa taariikh kooban oo ku saabsan ra’iisul wasaaraha cusub. Wareysi aan la yeelnaya Wasiirka Macdanta iyo Batroolka ee dowladda Somalia Maxamed Mukhtaar oo ka hadlaya arirntan , iyo Cabdifataax Dheel Guuleed oo ka mid ah qurba joogta dalka UK oo muddo ay is yaqaaneyn ra’iisul wasaaraha cusub.