Wada Hadalkii Dawlada Somaliland Iyo Kooxda Khaatumo Oo Wajigiisii Labaad Dalka Jabuuti Ka Bilaabmayo+Xubnihii Dawlada Somaliland U Matalayey Wada Hadalka Oo La Filayo Inay Dalka Ka Dhoofaan

Wada hadalkii u bilaabmay dawlada Somaliland iyo kooxda Khaatumo ayaa la filayaa inuu wajigiisii labaad todobaadkan gudahiisa ka bilaabmo dalka Jabuuti.

Waxaana wada hadalkan uu yahay mid ay labada dhinacba kasii amba qaadi doonaan nuxurkii qodobadii ay kaga wada hadleen dalka Itoobiya iyo waliba sidii losoo gunaanadi lahaa wada hadalkaasi oo wajigiisii labaad la filayo inuu dalka Jabuuti ka furmo.

Waxaana xubnaha dawlada Somaliland u matalaya wada hadalkan oo tiradoodu dhan tahay 3 xubnood la filayaa inay maanta ka dhoofaan dalka iyaga oo u dhoofaya dalka Jabuuti,,waxaana xubnahaasi kala yihiin sida naloo sheegay gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe,wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire iyo xubin kale oo kamid ah xukuumadda.

Sidoo kalena kooxda Khaatumo ayaa waxa iyagu dhankooda ka socda saddex xubnood,waxaana hogaaminaya horjoogaha kooxdaasi Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh.

Lixdan xubnood ee ka kala socda labada dhinac ayaa wada hadalkoodi ka bilaabmi doonaa magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti,iyaga oo halkaasina kaga wada hadli doona arrimo badan oo xasaasi ah isla markaana ay ugu muhiimsan tahay Sidii xal waara looga gaadhi lahaa dagaaladan isdaba jooga ah ee ka dhacaya gobolada bariga Somaliland,waxaana loo wada dhag taagayaa natiijada kasoo baxda wada hadalkaasi u dhaxeeya dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo.

Gabagabadiina wada hadalkan dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo ayaa wajigiisii ugu horeeyey uu ka dhacay magaalada Addis-ababa ee caasimada dalka Itoobiy,waxaana kasoo baxay qodobo kala duwan kuwaas oo ay isla meel dhigeen waftigii ka kala socda labada dhinac,waxaana wajigan labaad la filayaa inay kasoo baxaan qodobo Muhiim ah.

 

 

Exit mobile version