War Deg Deg Ah DAAWO: Cali Khaliif Galaydh Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Goor Dhawayd Soo Gaadhay Magaalada Hargeysa Iyo …..

wafigan ka socda Kooxda Khaatumo ayaa markii ay soo gaadheen magaalada Hargeysa waxa si wayn usoo dhaweeyey wasiiro ka tirsan xukuumadda madaxwayne Siilaanyo,xildhibaanada labada gole qaran,masuuliyiinta saddexda xisbi qaran ee KULMIYE,WADDANI iyo UCID,madax-dhaqameed iyo masuuliyiin kale,waxaana ay hadda ku sugan yihiin Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa.Cali Khaliif Galaydh iyo waftigan ayaa goor dhaw ka dhoofaya madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa iyaga oo usii jeeda dalka jabuuti isla markaana halkaasi ay ka bilaabmi doonaan sida lagu wado maalinka barri ah wajigii labaad ee wada hadalada Somaliland iyo kooxda Khaatumo.Gabagabadiina waa markii u horeysey ee Muddo badan kadib uu Horjooge Cali Khaliif Galaydh soo gaadho magaalooyinka Hargeysa,Berbera,Burco Iyo Caynaba.1 3