Xanuunka Jadeecada Oo Ka Dilaacay Gobolada Togdheer, Daad-madheedh, Buuhoodle & Saraar Iyo Cisbitaalka Guud Ee Burco Oo Lagu Soo Daabulayo Caruur Uu Haleelay Xanuunkaasi + Tirada Caruurta Ugeeriyootay

Burco(GNN):-Iyadoo ay abaar xumi ka jirto guud ahaaanba dalka somaliland , taasi oo si xun u saamaysa gobolada bariga dalka, ayaa la sheegay inuu hadda xanuunka jadeecadu ka dilaacay gobolada Togdheer, Daad-madheedh , Buuhoodle, Saraar , kaasi oo soo ritay caruur tiro badan, kuwaas oo kula nool deegaanada kala duwan ee hoos yimaada goboladaasi.

Cisbitaalka guud ee magaalada Burco ayaa maal mihii ugu dambayeeyey lagu soo daad guraynayey caruur kala duwan oo uu haleelay xanuunka jadaacadu, kuwaas oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo , halka qaar kamid ah caruurta ay ku dhacday jadeecadu lagu dabiibay cisbitaalada magaalooyinka Oodweyne, Caynaba iyo magaalada Buuhoodle.

Dhanka kalena isuduwaha wasaarada caafimaadka gobolka Togdheer Dr Yusuf Dirir Cali oo maanta war-baahinta qaar kula haddlayey gudaha magaalada Burco ayaa sheegay in maal-mihii ugu dambeeyey cisbitaalka la soo gaadhsiiyey caruur ay ku dhacday xanuunka jadeecadu, kuwaas oo uu sheegay in laga keenay gobolada Daad-madheedh buuhoodle, Saraar iyo degaanada kala ee hoos yimadaa gobolka Togdheer, isagoo intaasi ku dasheegay in xataa gudaha magaaalada Burco uu ka dilaacay xanuun kani

Sidoo kalena Dr Yusuf Dirir Cali ayaa sheegay in maalintii shalay ahayd cisbitaalka la keenay inka badan toban caruur ah, kuwaasi oo ay ku dhacday jadeeco, isagoo sheegay in ilaa hadda ay xanuunka u geeriyootay gabadh yar oo sideed bilood oo qudha jirtay, taasi oo lagu magacaabi jirtay Shaadiya, waxaanu xusay in gabadhan yar ee ugeeriyootay xanuunka jadeecad laga keenay gudaha magaalada Burco.