Xubno Ka Socda Maamulka Puntland Oo Xalay Guure Kusoo Galay Buuhoodle Xaalada Magaalada Buuhoodle Kacsan

Waxaana xubnahan ka socda Maamulka Puntland oo iskugu jira wasiiro,xildhibaano hore uga tirsanaa baarlamaanka Maamulkaasi iyo waliba saraakiil ciidan hogaaminaya wasiirka waxbarashada maamulkaasi Puntland.

Xogahan ayaa waxa iftiiminayaan in xubnahan ay kamid yahiin wasiiru dawlaha Qorshaynta maamulka Puntland Axmed Ibraahin Cawaale sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka booliska maamulkaasi iyo xildhibaan hore uga tirsanaa maamulkaasi Puntland oo magaciisa naloogu soo gaabiyey Cabdirashiid Gudo ,waxaana ay xalay xilli danbe guuro kusoo galeen magaalada Buuhoodle,sidoo kalena xubnahan ayaa waxa la socda ciidamo kala duwan.

Maamulka Puntlland oo iyagu kasoo horjeeda wada hadalkan u bilaabmay dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo maalmihii u danbeeyeyna faragalin qaawan ku hayey deegaanada Buuhoodle ayaa ujeedada ay xubnahan ugu soo direen magaalada Buuhoodle ay tahay sidii ay kulamo ula qaadan lahaayeen odayaasha iyo waxgaradka Buuhoodle iyo deegaanada hoos yimaada isla markaana ugu qancin lahaayeen inay kasoo horjeestaan wada hadalkaasi u bilaabmay dawlada Somaliland iyo kooxda Khaatumo,sidoo kalena wararka ayaa waxay intaa ku darayaan in xubnahani la filayo inay maanta kulan la qaataan ciidamo maleeshiiyad ah oo ay quudiyaan isla markaana ay ku adkeeyaan in aanu Prof Cali Khaliif Galaydh soo galin magaalada Buuhoodle.

Maamulka Puntland ayaa iyagu dadaal dheer ugu jira sidii ay u khal-khalin lahaayeen wada hadalkan u bilaabmay dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo,sidoo kalena bulshada deegaanadaasi ku dhaqan ayaa ka cabsi qaba in dagaal dhex maro ciidamada dawlada Somaliland oo iyagu heegan ugu jira sidii ay u sugi lahaayeen xuduudaha Somaliland iyo ciidamada Maamulka Puntland.

Gabagabadiina magaalada Buuhoodle ayaa waxa laga dareemayaa xiisad siyaasadeed oo kacsan isla markaana ay ku hirdamayaan dawlada Somaliland iyo Maamulka Puntland,waxaanan la garanayn halka ay sal dhigan doonto xiisadaasi siyaasadeed.