Ciidamada Badda Maamulka Putland Oo Weerar Ku Qaaday Koox Budhcad Badeed Ah Oo Dhawaan Afduubtey Markab Imaaraatka Laga Leeyahay Iyo Wararkii Ugu Dambeeyey….

Garoowe(GNN):-Wararka ka imanaaya Deegaabka Caluula ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka socda dagaal u dhaxeeya ciidamada Badda Maamulkaasi iyo kooxo Soomali Budhcad Badeed ah oo dhawaan Badda Somaliya ka afduubtey Markab laga leeyahay dalka Imaraatka Carabta.

Gudoomiyaha degmada Caluula Cali shire Maxamuud ayaa warbaahinta u sheegay in dagaal ay ciidamada Badda Puntand ku qaadeen kooxda haysata Markab uu kaasi ka dhacay dagaal ilaa iyo haatan socda oo u dhaxeeya labada dhinac.

Dagaalka ayaa la sheegayaa in uu ka dhashay khasaare labada dhinacba leh basle wali lama shaacin inta uu leeg yahay

Ciidamada Maamulka Puntland ayaa doonaya in ay xoog ku soo furtaan Markabka laga leeyahay Imaraatka ee lagu magacaabo Aris 13 kaasi oo dhawaan kooxdani ay sheegeen in ay ka donayaan Madax furasho.

Exit mobile version