Ciyaar Aad U Xamaasad Badan oo Ay Fooda isku Dareen Kooxaha Suxufiyiinta Somaliland Kooxda Xidigaha Geeska Ayaa Hadda Ku Soo Dhammatay Garoonka Hargeisa Studiom Iyo Kooxda Ay Guushu Raacday.

Hargeisa(GNN):-Ciyaartan Aad U Xiisaha Badan Ee Galabta Ay Fooda isku Dareen Ayaa Waxaa Wada Ciyaaray Laba Kooxood Oo ka Kala Socoda Kooxda Xidigaha Geeska Fanaaniinta Caanka Ah Iyo Kooxda Suxufiyiinta Somaliland,

Waxaa Ciyaartu Guusha Ku Raacday Kooxda Xidigaha Geeska Oo Ku Badiyey Hal Gool Iyo Eber,

labada Tababare Ee Kooxaha kala Watay Ayaa Kala Ahaa

Xassan Dhuxul laabsaalax Oo Watay Kooxda Xidigaha geeska iyo Cabdi Good Abees Oo Hore U ahaan Jiray Ciyaartoy hore ugu soo ciyaaray Kooxihii Gobolada Waqooyi oo Watay Kooxda Suxufiyiinta Somaliland.

Ciyaartan Oo Weerar Iyo Weerar Celis Ahayd Ayaa Waxaa Sidaa Ay kusoo DHammaatay Guusha Kooxda Xidigaha Geeska Oo Ay u Hibeeyeen Kooxda Suxufiyiinta Somaliland.

Koobka Ciyaartan Ayaa Loogu talo In Dhaqaalaha kasoo baxa Oo Daawadayaashu Ku Daawanayaan Hal dollar Oo lacag In lagu Caawiyo Dadka Abaaruhu Saameeyeen  Ee reer Somaliland.

La Soco Kulmada Danbe ee Ciyaaraha Iyo Guulaha Lakala Hanto.

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network.